Nadwadii ka socotay Garoowe oo gashay habeenkeedii 3aad.[Masawiro]
October 1, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Nadwadii ka socotay Garoowe ayaa waxaa ay gashay habeenkeedii 3aad waxaan muxaadaro uu ugu magacdaray Shubuhaadka Khawaarijta iyo Jawaabaha laga bixiyey (شبهات منهج أرباب التكفير المعاصر والرد عليها) ka jeediyey Shiikh Dr Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada ugu waaweyn dalka Soomaaliya.
Shiikh Dr.Bashiir Axmed Salaad ayaa Muxaadarada ku bilaabay hordhac muhiim ah kaasoo si fiican utilmaamay in ay waajib tahay Muhimad dheerad ahna leedahay Difaacidda diinta Islaamka, cidda kowaad oo mas’uuliyadaa ALLE saarayna ay tahay NABIYADA. Habii ay Anbiyadii dhammaadeenna Cidda kali ah oo Xilkaas dhaxashay waa CULUMADA. Run ahaantiina Culumada Soomaaliyeed wayna dareesan yihiin in badan Mas’uuliyadaas.
Hadaba su’aashu waxay tahay waa Tuma cidda laga waardiyeynayo diinta, waxa uushiikhuna kusheegay in ay yihiin laba qolo oo kal a ah:-
1.Gaalada bannaanka ka’ah diinta .
2. Kooxaha marinhabowsan ee ka tirsan muslimiinta sida khawaarijta iyo wixii la mid ah.
Waxa uu shiikhu tilmaamay in ka hadalka qolyaha kooxaha marinhabowsan aysan ahayn dagaal lagala hortagayo balse ay tahay Naseexo iyo waano looga jeedo Sixitaan.
Hordhaca kooban ka dib ayaa shiikhu waxa uu soo bandhigay shubuhaad farabadan oo qolyaha Takfiirku kufuraan bulshada si ay ugu qanciyaan dadka manhajkooda qaldan , shubuhaadkaa ayaa waxaa kamid ah :-
1. Shiikh Bashiir waxa uusheegay in ay aaminsayihiin in dadka soomaaliyeed aysan islaamin balse ay yihiin gaalo waligoodba haku dhawaaqaan tawxiidka’e ,ayagoo taa u daliishanaya in gaalada ahlu-kibaaka ahiba ay ku dhawaaqayeen Tawxiidka taasina aysan Muslimiin ka dhigin.
2. Shubhada kale oo ay dadka ku khaldaan ayaa waxay tahay: in ay yiraahdeen dadku ma islaamin maxaa yeelay ma aysan fahmin macnaha Tawxiidka .
3. Shuhada Saddexaad: Qofku muslim noqon maayo ilaa uu gaaro heerka ugu yar ee lagu islaami karo taasna uma yaqaanaan Towxiidka .
Qofka waxa uu muslim noqon karaa marka laga helo shuruudaha tawxiidka wayna gaalaysiinayaa maadaama aan laxaqiijin karin shuruudahaa oo ah kuwa la xiriira qalbiga taasoo macnaheedu yahay in ay ku gaalaysiinayaan dadka shaki .Waxay adkeeyeen soo galidda diinta Islaamka islamarkaana waxay fududeeyeen ka bixideeda taas oo ah arrin ay ku khilaafeen manhajka saxda ah ee Ahlu sunnah waljamaaca.
no images were found
Waxay dadka ku gaalaysiinayaan macaasida iyo danbiyada waaweyn ee aan lagu gaaloobin ,Waxay gaalaysiinayaan cid kasta oo aan kuraacin fikirkooda gaalaysiinta ah dadka muslimiinta ah. Waxa ay-yiraahdeen ilaa uu qofku camal falo waxa islaam ah oo ka ansaxaya majiro .Waxay daliishadaan Nusuusta mutaashaabiha ah iyagoo bar-goosanaya Nusuusta si ay ugu qanciyaan dadka fikirkooda qaloocan .Waxaa uu muslim noqonayaa qofku aktooda marka lajirabo kaasoo ah manhajka shiicada, khawaarijta iyo muctasilada IWM.
Shiikhu waxa uu ka jawaabay shubhooyinkaas ay dadka kumarin habaabiyaan waxuuna yiri sida tan:-
Shiikhu waxa uusheegay in uu yahay manhajka saxda’ah in ay dadku ku soo galaan diinta ku dhawaaqida towxiidka, Nabiguna Naxriis iyo Nabadgalyo dushiisa ha’ahaatee in towxiidka lagu islaamo , hadaba dadka soomaaliyeed maadaama towxiidka ay qirayaan waxaan ka aaminsahay in ay yihiin muslimiin , iyagoo Muslim Ahaayeen Fir ka fir haddaba cidda qabta in lagu islaamo waxaan towxiidka ahayn iyadaa lagarabaa in ay caddeyso waxa lagu Islaamo.
Halka ay ka yiraahdeen Towxiidku wax umatarin ahlukitaabka waa arrin aan sax ahayn. khilaafsana Nusuusta Diinta waxaana taas caddayn u ah:
Qissadii C/laahi ibnu Salaam oo ahaa nin yahuudii ahaa diintana kusoogalay towxiidka.Dhacdadii cunugii yahuudiga ahaa ee xanuusanaa ee Nabigu soo booqday kadibna uu u laqimay tawxiidka halkaasna uu ku islaamay.Farriintii uu Nabigu faray Saxaabiga jaliilka ah ee Mucaad ibnu Jabal markii uu Yemen u diray asagoo faray in uu ugu yeero dadka tawxiidka marka ay islaamaana uu ucadeeyo waajibaadka diinta ee kale Si Saladda Sakada Iwm.
Xataa waxaa laga aqbali jiray tawxiidka dad aan sidii la rabay aan ugu dhawaaqin Tawxiidka sida dadkii uu laayey saxaabigii khaalid ibnu waliid marka ay yiraahdeen saba’naa Saba’naa oo macnaheedu yahay waan islaamnay, ama qof aan hadlin ee tilmaan ku bixiyey inuu islaamay sida gabadhii adoonta ahayd ee Nabigu uu waydiiyey “aaway Allaah?” oo tiltaamtay in uu jiro xagge sare ayadoo aan hadlin Nabiguna uu uga markhaanti kacay in ay tahay mu’minad.
Sidoo kale waxa uu Nabigu ka yeelay islaamka dad yiri salaadaha qayb kamid ah tukan mayno, ama yiri arkaanta salaadda wax kamid ah ayaan ka tagaynaa. Hadaba takfiirka ayaga ayaa laga rabaa meesha ay ka qaateen diinta soomaalida kale waayeen.
Hadaba maadaama uusidaa u fududaa habka diinta lagu soo gali jiray dadkana aan lagu adkayn jirin tawxiidka waxay taasi marag cad u tahay in ay Takfiirku rabaan in qofka islaamka uu yahay qof ayaaga soo mara oo kasoo qaata shahaadada islaamnida.
Waxaa khalad ah in dadka lagu gaalaysiiyo shaki sida ay sameeyeen Takfiirku, maadaama uu Nabigu aad ugu canaantay saxaabigii jaliilka ahaa usaama binu zayd marka uu dilay ninkii muslimiinta markii hore laayey kadibna markuu seefta la
dul yimi ashaahatay waxa uuna Nabigu ku yiri “ma adaa Qalbigiisa jeexay oo ogaaday in uu Run sheegayo iyo in kale?”
Meesha ay ka yiraahdeen soomaalidu dhamaantood waa gaalo waxa is waydiin ubaahan ma ayagaa goob joog u ahaa meesha ay soomali oo dhan isugu timid kuna gaalowday. Halka ay ka yiraahdeen qofka aan camal falin islaam kama ansaxin waa arrin khaldan marka loo eego manhajka saxda ah ee islaamka, maxaa yeelay acmaashu waxa ay qofka ku waajibtaa marka uu islaamo kadib, taasina ma aha mid ku rumoobaysa warkooda, ta kale haddii la yiraahdo islaami mayo ilaa uu tukado, ama sakada bixiyo waa yaabee Miyaan islaam loo aqoonsanayn ilaa Sakada uu bixiyo Sanad ka dib ama tukado saacdo kad!?.
Tacliiq:
Muxaadarada sheekha kadib waxaa tacliiq raaciyey sh maxamuud xaaji yuusuf asaga oo sheegay in Takfiirku ay dadka u qaybiyeen afar nooc:
1:Suufiyo shirku ku jirta
2:Madax aan diin wax ku xukumin
3:Wadaado labadaa aan gaalaysiin ee difaaca.
4:iyo Muslimiin dhab ah oo ay ula jeedaan in ay yihiin ayaga.
Hadaba saddexdaa hore ayey waxay ka aaminsanyihiin in ay yihiin gaalo taasina waa mid ay ku baal mareen manhajka ahlu sunna wal jamaaca. Sheekha ayaa waxa uu soo bandhigay qaacidooyin guud oo ay tahay qof walba in uu qaato si uu isaga ilaaliyo manhajka takfiiriga ah ee qaloocan, qaacidooyikaas oo ah:
1:In aan la qodqodin waxa dadka uurkiisa ku jira ee lagu xukumo waxa ka muuqda.
2: In qofka loo xoqxoqo intii suuragal ah islaamnimo, ee aan lagu gaalaysiin danbi ama labo ka dhacay.
3:In aan aamino in aysan muslimiintu ahayn koox yara oo ka kooban dhawr qof sida ay Takfiirku aaminsanyahiin in ay kaligood muslimiin yihiin, kooxdooda yarta ahna wixii kasoo hara in ay gaalo yihiin.
Sheekha ayaa waxa uu jalleecay xiriirka ka dhexeeya al shabaab iyo takfiir asaga oo sheegay in shabaabku ay dadka u gaalay siinayaan si ay ulaayaan una banaystaan dhiigooda, halka takfiirka ay ka tahay manhaj iyo usuul ay aaminsanyihiin. Shabaabku waxa ay dadajiyeen laynta Takfiirkuse way sugayaan inta ay ka gaarayaan tiro ku filan. Shabaabka iyo Takfiirku waxa ay ka siman yihiin oo aysan u dulqaadan karin in la naqdiyo (Manhajkooda laga digo) ama wax laga sheego.
Sheekha ayaa hadalkiisa waxa uu kusoo gabagabeeyey labo arimood:-
1:In loo naseexooyo dadka aaminsan afkaartaa khaldan.
2:In laga digtoonaado oo aan lagu khaldamin shubuhaadka ay dadka ku furayaan.
Halgan.net