Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

October 19, 2013 - Written by Editor

DCIM100MEDIAHiiraan:– Waxaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalay meel ku dhow xarunta maamulka ee gobolka Hiiraan,Qarax ayaa waxaa ku dhintay ilaa 16 qof  oo rayid ah waxaan ku dhaawacmay ilaa 30  kale iyadoo dadkii ku dhaawacmay qarax loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Howl wadeenada isbitaalka weyn ee Beledweyne ayaa waxaa ay la tacaalayaan dadka rayidka ah ee qaba dhaawacyada kale duwan  walow Isbitaalka uusan haysan daryeel ku filan oo dhinac daawooyinka ah. Howl wadeenada Isbitaalka weyn ee Beled weyne ayaa waxaa ay wadaan dadaal ah in dadka qaba dhaawacyada culus ay u qaadaan dhinac magaalada Muqdisho.

Qaraxaan is miidaaminta ah ayaa waxaa fuliye qof naftiisa ku soo xiray walxaha qarxa waxaan uu markii uu soo galay Maqaaxida  uu is qarxiyey halkaasna uu dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray dadkii ku sugnaa Maqaaxida.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in qof is qarxiyey uu doonayey in qarax uu la beegsado ciidamo ka tirsan maamulka Beledweyne iyo ciidamo AMISMO oo ku sugnaa meel aan ka fogayn Maqaaxida  ilaa haddana lama oga khasaarah ah soo gaaray ciidanka maamulka Beledweyne iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Itoobiya waxaana uu sheegay in ay khasaaro u geysteen wuxuuna sheegay in ay dileen 13 Askeri oo Itoobiyaan ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online