Ragii fuliyey Weerarkii Westgate oo Diyaarad helicopter ka soo raacay Dhadhaab

October 21, 2013 - Written by Editor

xasan-dhuxulowNairobi:-Wargeys standard oo ka soo baxa dalka Kenya ayaa markii ay taarikhdu ahayd 19/10/2013 waxaa uu soo daabacay qoraal dheer oo uu ku sheegay in dableydii weerarka ku qaaday Dhismaha xarunta Ganacsiga ee Westgate ay diyaarad Helicopter oo uu leeyahay nin horey siyaasi u ahaa una dhashay dalka Kenya ay ka soo raaceen Degmada Dhadhaab

Wargeyska Standar ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in hubka ay weerarka ku fuliyeen 6 dhalinyaro ee weeraray xarunta Ganacsiga ee WestGate ay ku soo qaateen diyaarada Helicoterka ah ayna kala soo dageen magaalada Nairobi.

Saraakiisha loo xilsaaray in ay baaraan weerarka lagu qaaday Westgate ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan qoraalka uu soo daabacay wargeyska Standar Media.Wargeyska ayaa xogtan ka soo xigtay sirdoonka dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay duuliyihii diyaaradaasi, isla-markaana lagu daba jiro milkiilihii diyaarada.
Shacabka dalka Kenya ayaa ilaa haatan ku jahwareersan qaabka iyo cida sahashay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan xarunta Westgate oo ah xarun ganacsi oo lafdhabar u ah ganacsiga magaalada Nairobi waxana maalin walba ka soo baxaya laamaha amaanka iyo saxaafada dalkaas warar kala duwan .

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu soo daabacay Wargeyska Standar Media 19-10-2013

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online