Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

October 1, 2013 - Written by Editor

DSC_0008Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde International ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku gaaray magaalada Genève ee dalka Switzerland halkaasoo uu uga qeybgalay shirka horumarinta xaquuqul insaanka caalamka, waxaana shirkaasi uu ka jeediyay khudbo dheer taasoo uu sharaxaad uga bixiyay sida ay dawladda Soomaaliyeed u horumarisay ilaalinta xaquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa afartii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa dalka Turkiga, gaar ahaana magaalada Ankara iyo Istanbul, waxaana halkaasi uu kula soo kulmay madaxda dalka Turkiga oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Reccep Tayyip Erdogan, waxayna labada Ra’iisul Wasaare si qotadheer uga wada hadleen xariirka labada dal, iyo garab istaaga dawladda Turkiga iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee u qorsheysan.

Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa markii uu soo degay saaka la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in safaradiisu ay ku soo dhamaadeen si guul ah, dawladda Turkigana kala soo hadlay sidii loo kordhin lahaa caawinaada mashaariicda horumarineed ee dalka Soomaaliya ay ka fulinayaan Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay mashaariicda ay haatan ka wado magaalada Muqdisho.

—Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia 

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online