Ra’iisul Wasaaraha DFS oo kulan la qaatay Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka DFS

October 13, 2013 - Written by Editor

IMG_1398Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga dalka, waxaana kulankan goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’addaha amniga, gaar ahaana Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, Wasiir kuxigeeno, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray waxqabadka hay’addaha dawladda iyo sidii loo sii horumarin lahaa sugida amniga, waxaana kulankan warbixino looga dhegeystay taliyeyaasha ciidanka, kuwaasoo ka warbixiyay howlgalo fara badan oo kuwaasoo looga hortegay, laguna burburiyay goobo ay ku maleegayeen kooxaha nabadiidku falal ka dhan ah amniga.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in kulankan looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa sugida amniga ee dalka, gaar ahaana caasimadda, wuxuuna tilmaamay in hay’addaha amnigu ay fuliyeen howlgalo ballaaran oo lagu guuleystay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadu uu balan qaaday in dawladdu ay ku bixineyso kharashaadka ugu badan horumarinta ciidanka amniga, isla markaana loo dhameystiri doono sida ugu dhaqsaha badan qalabka ka dhiman.

Dhanka kale, Jeneraal Saacid ayaa ku ammaanay shacabka Muqdisho sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan, si loo cirib tiro kooxaha amni darada ka geysta magaalada.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online