Raisulwasaaraha DFS oo kulan la qaatay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM Jan Eliasson

October 26, 2013 - Written by Editor

IMG_4956Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Q/midoobay Jan Eliasson, waxayna ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Q/midoobay, gaar ahaana taageerada shacabka Soomaaliyeed ay u fidiso Q/midoobay.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubnaha golaha Wasiirada iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nicholas Kay, waxaana kulankan diirada lagu saaray sidii hay’addaha Q/midoobay si dhow ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taageerada dhinacyada dib u dhiska hay’addaha dawladda, dib u dhiska dhaqaalaha iyo horumarinta siyaasada.

Kulanka kadib, Ra’iisul Wasaaraha iyo kuxigeenka xoghayaha guud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid miro dhal ah, ayna uga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Q/midoobay iyo dawladda Soomaaliyeed.

“Waxaan soo dhoweyneynaa socdaalka Mr. Jan Aliasson oo ah mid muujinaya sida Q/midoobay ay uga daacad tahay garab istaageeda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku ammaaneynaa howlaha baaxada leh ee ay ka wado dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid, isaga oo ku ammaanay Q/midoobay kaalmada iyo is garabtaaga dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarada dawladda ee dib u dhiska, sugida iyo xasilinta dalka iyo weliba tayaynta hay’addaha dawladda, gaar ahaana kuwa maamulka maaliyadda.

Sidoo kale, kuxigeenka xoghaha guud ee Q/midoobay Jan Aliasson ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in isbedel weyn iyo horumar uu ka dareemay, maadaama ay ugu dambeysay sanadihii sagaashamaadkii xilligaasoo ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in Q/midoobay ay ka go’antahay inay si dhow ula shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed, waxaana kala shaqeyneynaa sidii loo horumarin lahaa dhinacyada siyaasada iyo dhaqaalaha” ayuu yiri Mr. Jan, isaga oo intaasi ku daray in Q/midoobay ay ka go’antahay sidii loo horumarin lahaa dib u dhis xoogana loogu sameyn lahaa hay’addaha dawladda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo kuxigeenka xoghayaha guud ayaa soo kormeeray xafiisyo cusub oo ay Q/midoobay ka furatay Muqdisho, kuwaasoo ay ku shaqeyn doonaan wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya Amb. Kay.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online