Ra’iisulwasaaraha DFS oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho (Warsaxaafadeed+Cod )

October 6, 2013 - Written by Editor

IMG_11571Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ugu qabtay bahda warfaafinta gudaha iyo dibadda, kadib markii ay u buuxsantay hal sano oo uu hayay xafiiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ku bilaabay khudbadiisan mahad-celin uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari. iyo goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumada sida dhow isla markaana hufan ee ay ula shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad guud ka bixiyay waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee u qabsoomay mudada halka sano ee uu xilka hayay, wuxuuna si gaar ah u xusay  in muhiimada Xukuumadiisu ay tahay sugida amniga iyo xasilinta dalka, soo celinta haykalkii dawladnimo iyo shuruucdii dalka iyo weliba horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku nuux nuuxsaday in howlaha ugu  ballaaran ee xukuumadu xooga saartay ay tahay xaqiijinta ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada  oo xiriir la leh Al Qaacida, isaga oo cadeeyey in la wiiqay awoodii kooxahan nabadiidka ah ee Al shabaab oo Qatar weyn ku ah Soomaaliya, dalalka deriska iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kale, waxa uu xusay in kor loo qaaday tayada iyo tirada ciidanka Qalabka sida loona dhameystiray agabkii ciidan, maadaama dalka Soomaaliya laga qaaday xayiraadii hubka ee saarneyd. Wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ciidamada dawladda lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya oo ay tababaraan macalimiin Soomaaliyeed.

Hufnaanta maamulka maaliyadda iyo la dagaalanka musuq maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada waxa uu si gaar ah u xusay qorshaha Xukuumada ee ku aadan hufnaanta maamulka maaliyadda ee dawladda iyo la dagaalanka , wuxuuna tibaaxay in ay la dagaalameen musuq maasuqa, taasoo keentay sanadkii hore dakhliga u soo xarooda dawladda oo ahaa 2.5 Milyan Dollar, inuu haatan yahay 10 Milyan. Maadaama buu yiri ay dhaqangeliyeen qaab la xisaabtan adag leh oo cad oo ay ku maamulaan dhaqaalaha dawladda.

“Sida cad ee aanu u  maamulnay Dakhliga gudaha waxa ay keentay in in beesha caalamku ay aaminto dawladda isla markaana ay labo jibaaraan yabooha dhaqaale ee ay siinayaan dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo intaasi ku daray in dawladdu haatan si joogto ah ay u bixiso mushaaraadka Askarta, shaqaalaha rayidka ah iyo xildhibaanada Baarlamaanka iyada oo adeegsaneysa qasnada dawladda.

Arrimaha waxbarshada iyo adeega bulshada

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in dadaal dheer ay u galeen sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaamba Dugsiyadii waxbarshada heer hoose iyo heer sareba, isla markaana mudadii sanadka aheyd ay xukuumada dayactir iyo howlgelinba ku sameysay dugsiyadii waxbarashada ee ku buburay dagaaladii dhacay, iyadoo isla markaana la qabtay shir weyne qaran oo looga arrinsanayo dib u dejinta Manhajkii waxbarashada dalka, taasoo heer gabo gabo ah mareysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u taabtay qorshaha (AADA DUGSIYADDA), taasoo ah olole ay ka faa’iideysan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 1 Milyan kuwaasoo heli doona waxbarasho lacag la’aan ah.

illaalinta xaquuqda Bani’aadamka iyo ka hortagga falalka jinsiga

Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa faah faahiyay qorshaha xukuumada ee illaalinta xaquuqda Bani’aadamka iyo ka hortagga falalka jinsiga, wuxuuna xusay in xukuumadiisu ay ku dhisantahay sinaan iyo cadaalad, maadaama xukuumidihii hore ay ku dhisnaayeen nidaamka 4.5, oo ay tirtireen, si simana ay qabaa’ilka Soomaaliyeed uga muuqdaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in kaalin weyn ay siisay xukuumada ka qeybgalka haweenka ee siyaasada dalka, wuxuuna tilmaamay in taariikhda Soomaaliyeed ay ku cusub tahay in jagada Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabo qof dumar ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in illaalinta xaquuqda bani’aadamka si gaar ah loogu ammaanay shirkii dhowaantan ka dhacay magaalada Genève, kaasoo lagu ammaanay dhowrista xaquuqda aadanaha, sida sinnaanta, ka hortaga kufsiga iyo xorriyatul qowlka.

Aqoonsiga caalamka iyo shiraraka caalamiga ah

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu niyad wanaag ka muujiyay aqoonsiga beesha caalamka iyo shirarka caalamiga ah ee loo qabanayo arrimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay shirarkii ka dhacay London, Istanbul, Yokohama,  Brusells iyo Geneva kuwaasoo lagu horumarinayay masiirka dalka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhegeysanayay talada iyo tusaalaha hogaanka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaan gaar ah u jeediyay dalalka deriska iyo sidoo kale kuwa ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay saaxiib garab istaagay xilli adag oo ay Soomaaliya u baaneyd garab walaal, wuxuuna ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa argagixisada si qatartooda loo baajiyo.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadkan sanadkiisa  la gaari doono nabad iyo xasilooni, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan dawladda, dulqaadna muujiyaan.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id uu maanta ku qabtay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon.

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/6a2gnzalbi/saacid.mp3]

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online