Samawade..Sedkiisii Ma Helay..(1 of 2 ) W/Q Sh Maxamed Idirs Axmed

October 17, 2013 - Written by Editor

imageMecca:-Samawade, Waa Ilma yar.. Hooyadii waa xaaskii 2aad oo Aabihiis guursado..Minyaradu marna iyadaa la riixaa.. Marna iyadaa wax riixda, waa adduun iyo xaalkiis! Samawade Xaaladiisa, Minyaradooda waa la riixey.. Minweyntii ayaa dagaal culus gashay, ilaa ay minyaradii Qarka u saarto iney booska ka bixiso! Hayeeshee Kuma guulaysan Minweyn dagaalka ba’an oo ay gashay, Hadey cilmu qeybka ka daboolan Ogtahayna Minweyntu wexey wax walba ku bixin lahayd in Minyarada la daayo, Qof walbaana calafkiisa waxan ahayn cuni maayo, qof kale wuxuu Ilaah u qorayna kama qaadi karo.. Laakiin waa Aadanaha iyo damaciisa, wixii maslaxadiisa ahaa ayuu kolalka qaarkood la diriraa.. Waxaan maslaxad iyo wanaag ugu jirinna waa isku dhabar jebiyaa..

Ilaahay ayaa Qur’aanka Kariimkaa innoogo sheegay(w axaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isgoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeclaataan wax isagoo shar idiin ah, Eeba wax og idinkuse ma ogdin) .

Minyarada waxaa Ilaahay ka beeray 2 wiil oo qaddarnaa iney odaga u dhasho.. Ka dibna saacadeedii ayaa timi oo wey dhimatay.. Odaygu labadii wiil oo midna markaa 5 jir yahay, waa saaxiibkeena qisadu ku socoto (Samawade), midna xoogaa ka roon yahay..ayuu gurigii kale keenay! Wuxuu u keenay Minweyntii iyo caruurtEedii badnayd, oo wuxuu yiri: Walaaley Samawade iyo Walaalkiis ogow!

Aabayaasha qaarkood Allaha u dembi dhaafee, wexey ka ilduufaan, xinifta iyo masayrka jiraa inuu dagaal hoose oo dhib badan leeyahay kolalka qaarkood, iskuma taxallujiyaan iney duruufaha jira si xikmad iyo xilkasnima leh ula fal galaan, waxna kala hagaan.. Suubane iyo walaalkiis Minweyntu ma rabto, meeshey ka yimaadeenna ma jeclayn, sidaa darteed dagaalkeedu ma joogsan, haddii minyaro meesha ka baxday,
ilmahan yari inaaney dembi lahayn, waa hilmaantay.

Xiniftii iyo Masayrkii wuxuu ku bixiyey iney ilmihii yaraa ee aan waxba galabsan caradii kula dhacdo… Malaha odaga habeenkii gogosha loo qurxiyaana hoos wax uma eego, dareen la rabey inuu ku beernaadana, maba qabo!Soomaalidu wexey u taqaan Sama wade oo kale, (Aayo Koris).. Marka ay rabaan dhibka uu maro iney ka sheekeeyaan.. Laakiin waa sida laga yaabee iney badan tahaye, Aayooyinka qaar baa jira hooyada ku dhashay aan ka dhicin, bal mararka qaarkoodna, naxariistooda lays yiraahdo malaha iyadaaba dhashay..

LaakiinSamawade taasi kuma soo aadin.. Waxaa kusoo aadey qalbi inta carada iyo nacaybku ka batay, uu indhaha ka ridey.. Sama wade wiilkii xoogaada ka roonaa, markuu xaalka arkay waaba ambaday, waa nin xoogaa madax taagane suuqiisuuba galay oo dib looma arag ilaa waaya dambe oo uu weynaadey..

Samawade oo isagu yar, oo aan carari karin ayaa caradu qabatay.. Caruurteeda markey wax siineyso, waa walaalihiis aabe e’, isaga banaanka ayaa looga tagaa! Kolalka qaarna wixii soo hara ayuu leef leefaa.. Ilmeheeda, kuwa isaga ka yar iyo kuwa laa leeg, dugaalka ayey dejisaa, isagana dibadda ayaa darxumo ku haysaa! Malaha waa ilma yaroo ma yaqaan maah maahdii Soomalida ee ahayd (Aabow: waxaan adigana wax kuu dhimayn, aniga wax weyn ii ah, ii dheh, Haruubka haloo buuxsho ii dheh) haruubka buuxin maahane, kala barkiisna ma helo.. Maalma dhan ayuuba qadaa, Ilaa gaajadu meel ku riddo..

Haddey caruurta walaalihiis ee la filka ah wax isku qabsadaan, isagaa la garaacaa, alaabtana waa laga qaadaa.. Samawade oo ay maskaxdiisa ku qorantahay wixii dhici jirey, isagoo maanta sodonkii dhaafay oo reer iyo caruur leh, wuxuu xusuustaa maalin aan la illaawi karin.

Wuxuu samaystay garan garta ciyaalku ku ciyaaraan oo siliga yar ku cayriyaan sida baaskiil gacmeedka oo kale.. Mid yaroo walaalkiisa ayaa kaga dhegey.. waa caruure markey isku qabsadeen ayaa Maamadii kusoo baxday, canaanta koowaad Samawadaa leh: Uddaa wiilka garaangartiisa! Samawade: Anigaa leh, isagu ma leh!! Maamadii oo caraysan waa tan gacanta dharbaaxo Samawade uga soo gooysey! Waryaa daayeeryohow sii wiilka yar alaabtiisa! Xaggaas ayaa Samawade lagu tuuray, ciyaartiisiina waa laga qaatay.

Dulmigu waa xanuun badan yahaye, Samawade intuu ooyey, oo oohin ka dhergey,ayuu aqalka duleedkiisa fariistay, indhaha iyo dhabannada ayaa qoyey, ilaa uu meeshii uu fadhiyey ku gam’ay.. Waa goor barqa ah. Wuxuu ka toosay meeshii isaga oo dhididkii iyo oohintii iyo ciidii uu ku gam’ay isku dhalaaleen!

Wexey ayaamuhu sidaa ku jiraan ba, Samawade waa koray, Saacadaha cimrigu ma istaagaan, si kastaba hakugu dhaafaan rafaad iyo raaxo. Samawade, iskoolka waa ka daahay, Maamada ayaana sabab u ahayd, intaanu dhamaysanna wey u diidey inuu dhamaystirto..Aadanaha markii qafladi hayso, wuxuu Illaawaa in Cadaaladda Ilaahay deg deg badantahay, mararka qaarkoodna adduunka laynugu tuso intaan aakhira la gaarin.. Samawade haduu hana qaaday, wuxuu noqday nin ayaamaha adduunku macalin weyn u noqdeen, cashara badan oo waaya aragnima ahna nolosha ka qaatay..

Qalbigiisa yari, inkastoo booga badani ku yaallaan, haddana wuxuu noqday qalbi aan xumaanta jeclayn, samaha jecel, soohdintiisa aan dhaafin, sedka Ilaah siiyana ku qanca. Rajanimada hooyo macaan ay dhaaftay isagoo yar, Dulmiga uu waaya badan ku hoos noolaaday, wuxuu baray in Dulmigu qaraar yahay, dhunkaal ka daran yahay, dhuunta aan la marin karin, sidaa darteedna wuxuu ka bartay inaanu isagu wax
dulmin, kii dulmiyana inuu cafiyo.. Wuxuu ka bartay, in aarsiga Ilaahay ka xanuun badan yahay aarsigiisa isaga naftiisa.. Allaha weyni siduu Daalimka ula tacaalana cid ula tacaali kartaa aaney jirin, sidaa darteed ayuu go’aansaday inaanu dulmiga dulmi ku celin, laakiin cafiska uu ka xigsado..

Adduunyadu waa sida garaan gartii uu wareejin jirey.. Maalinba xaalkeedu waa si..Qaar ayaa maanta qada.. Berina dherga.. Berrina kuwa kalaa qada, kuwa kalena waa dhergaan.. Maanta kuwaa madaxa..kuwa kalena madax nimada ayaa laga xayuubshaa.. Ummadaa hormara kuwana waa dib dhacaan.. Qaar ayaa dhinta qaarna waa dhashaan.. Qaar ayaa aroosa oo faraxsan.. Qaarna waa murugaysan yihiin oo waa cidla.. Qaar ayaa faqriya.. Qaarna maal aya lagu fatahaa.. Qaar ayaa gabooba oo tabar darreeya, qaarna wey xoogsadaan oo caafimaadaan..
Samawade, adduunka ayuu u baxay.. Waa hana qaaday.. Waa dhoofay.. Dalal ayuu maray.. Waxbuu bartay.. Waa shaqaystay.. Adduunku ayaama ka dib waa soo wareegtey.. Sama wade iyo aayadiis xagee sheekadoodu ku dambeysey.. Aan isugu  soo noqono inshallaah…

La soco…Sheekada Qaybta labaad….

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online