Saraakiisha Maamulka Gobalka Hiiraan oo Shirjaraa,id ku qabtay magaalada B/weyne

October 14, 2013 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Saraakiisha  Maamulka Gobalka Hiiraan ee DFS ayaa waxay maanta soo bandhigeen xubno ay sheegeen in ay ka tirsan yihiiin Ururka Al-Shabaab kuwaas oo lagu soo qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti.

Xubnaha maanta ay soo bandhigeen ciidanka DFS ayaa gaaray 5 dhalinyaro ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan kooxada Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Hiiraan G/sare  Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in howlgalo ay ka sameeyeen ciidanka DFS magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku soo qabteen 5 dhalinyaro ah wuxuuna sheegay in 5 dhalinyaro ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab qaraxyada iyo dilalka Qorsheysan.

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka HiiraanG/sare  Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyarada la qabtay ay qirteen in ay qeyb ka yihiin dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada B/weyne gaar ahaan xaafadaha Howl-wadaag iyo Xaawo Taako.

Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay soo bandhigida dhaliyada 5.ta ah oo ay Maamuulka B/weyne sheegeen in ay yihiin Al-Shabaab,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online