Muxaadaradii Sh Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Masjidka Khaliil ee Boorame.[Daawo]
October 29, 2013 - Written by EditorBoorame :-Wafdi Culimo ah oo uu hogaaminayo Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa socdaal dacwadeed ku tegay goballada Awdal iyo Gabilay waxaana socdaalkooda ku weheliyey Sh.Feysal Maxamed Cumar Gudoomiyaha mu,asasada Al-Karam iyo ducaad kale waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga culumada gobalada Awdal iyo Gabilay. Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha hay,dda culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka jeediyey muxaadaro Masjidka Ibraahim Khaliil ee magaalada Boorame waxaana cinwaanka muxaadarada ahaa (تعريف الناس برب الناس).
Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa faahfaahiyey nicamka faraha badan ee ilaahay uu siiyey basharka in ay mudan tahay in uu allahiisa uu ku garto islamarkaana uu ku cibaadaysto waxaa uu sheekhu aad ugu xeeldheeraaday cajaa,ibta ku sugan abuurka insaanka iyo in uu yahay aayad iyo mucjizo lagu cibro qaato.Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa u dardaarmay dadwayne aad u soo buux dhaafshay masaajidka in ay u fiir sadaan ayaadka Rabbi ee koowniga ah ayna ku cibro qaataan.
Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa iyo wafdigii culumada ee la socday ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey sidoo kale gobalka Gabilay waxaana soo dhaweeyey culumadii iyo ducaada gobalka waxaana uu Sheekhu muxaadaro ka jeedshay Masjidka weyn ee Gabilay wuxuuna cinwaanka muxaadaradiisa ay ahayd (شرف الإنسان في عبادة الرحمن). sharafta iinsaanku waxay ku jitraa cibaadada raxmaanka, waxa uu sheekhu ka waramy hadafka loo abuuray basharka in ay tahay cibaadada rabbigii subxaanahuu watacaalaa, iyo qofku in uu ku leeyahay sharaf kolba inta uu caabudo rabbigii , waxa uu ka waram sheekhu karaamada insaanka la siiyey in ay ku dhamaystirmayso marka la qaato amarka rabbi markasta oo laga taga taasna waxa imanaysa in iinsaanku uu duloobo .
no images were found
Wafdiga culumada ee socdaalka dacwo maanta ku tagay gobalada Awdal iyo Gabilay ayaa caawa dib ugu soo laabatay iyaga oo nabad qaba magaalada Hargeysa ee xarunta S/land
Hoos ka Daawo muxaadaradii Sh Bashiir Axmed Salaad تعريف الناس برب الناس uu ka jeediyey Boorame
Musasada Al-Karam
Hargeysa