Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo socdaal Dacwo ku gaaray degmada Buuhoodle.[Masawiro]

October 10, 2013 - Written by Editor

DSC00170Buuhoodle, 10-Oct-2013, Sh Cabdinaasir X Axmed oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn Soomaaliya oo xiligan socdaal ku jooga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa booqday Machadka sare ee Al-furqaan oo ay dhigtaan boqolaal arday ah oo barta Culuunta Shareecadda Islaamka.

Shiikha waxaa ku soo dhaweeyey xarunta Machadka, gudoomiye ku xigeenka dacwada gobolka Shiikh Jaamac Saleebaan Xaaji Yuusuf, maamulaha iyo maamule ku xigaanka Machadka Sh Cabdi Shaafi Axmed Cali iyo Sh.Axmed Maxamed Samatar, dhamaan macalimiinta iyo gudiga ardayda machadka.

Shiikha oo saaka kulan la qaatay ardayda wax ka barata Machadka & macalimiinta wax ka dhiga ayaa kula dardaarmay ardayda inay ku dadaalaan fahamka shareecadda Islaamka kana fogaadaan Inxiraafka & waxyaabaha aan Islaamku ogolayn ee dadka qaar diinta ka dhigtaan.

Wuxuu sheegay inay jiraan Kooxo uu ku tilmaamay Khawaariijta casriga oo dadka si khaldan diinta ugu fasira kuwaasoo ay kamid yihiin kooxaha hubaysan ee kusugan dalka Soomaaliya & kuwa wax gaaalaysiiya oo takfiirka loo yaqaano wuxuuna ardayda uga digey inay ku milmaan waxyaabaha noocaas ah dhinaca kalena  ay noqdaan kuwo qaata fahamka dhabta ah ee diinta Islaamka.

Intaas ka dib ardayda dhigata Machadka Al-furqaan ayaa su’aalo furan weydiiyey Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed isagoo uga jawaabey, su’aalaha shiikha la weydiiyey waxaa kamid ahaa Soomaaliya xiligan Jihaad ma kajiraa & su’aalo kale oo dhawr ah.
Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya waxyaabaha hada ka socda aysan ahayn jihaad, isagoo sheegay kooxaha hadda wada manhajka jihaadiga lagu sheegay inay yihiin kooxo ay kujiraan gacmo shisheeye waxa ay wadaana uusan ahayn jihaad.

no images were found

Ugu danbayn ardayda dhigata Machadka Al-furqaan ayaa Shiikha uga mahadceliyey dar daaranka qiimaha badan ee uu siiyey iyagoo ugu baaqay inuu jaanisyo intan ka badan siiyo si ay uga faa’iidaystaan cilmiga.

Geesta kale Sh Cabdinaasir ayaa kulan kan lamid ah la qaatay ardayda dhigata Jaamacadda Bariga Afrika Faraceedda magaalada Buuhoodle, iyagoo ardaydu ay Shiikha weydiiyeen Su’aalo la xiriira Jameecaadka Islaamiga ah, Shiicadda, Dagaalada dunida ka socda, Isqarixinta & waxa shareecaddu ka qabto wadooyinka cilmiga loo maro iyo tahriibka.

Shiikhu Cabdinaasir Xaaji Axmed wuxuu cadeeyey inaysan banaanayn is qarxintu salna ku lahayn shareecadda Islaamka isagoo tilmaamay inay tahay qof naftiisa dilaya, Dhinaca kale Ardayda ayaa Shiikha wax ka weydiiyey arimaha tahriibka & dadka naftooda ku biimeeya saxarayaasha waaweyn & baddaha isagoo sheegay in dadka dhulkaas maraa ay yihiin dad naftooda biimeeyey aakhirana meel ay tegidoonaan alle ogyahay.

Isku soo wada duuboo kulamada uu Shiiikh Cabdinaasir X Axmed la qaatay ardayda Jaamacadda Bariga Afrika & Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online