Mid ka mid ah raggii ka badbaaday qorshihii lagu dilay Al-amriki oo la wareystay[Dhagayso]

October 25, 2013 - Written by Editor

voaBaardheere: Waxaa mar kale lagu faafiyey Rasminews waraysi ay diyaarisay  Mu’assasada Zaylaci lana yeesheen mid ka mid ah raggii ka badbaaday maalintii Al-shabaab ay dileen Abu Mansuur Al- Amriki
Sheekh Cali Cusmaan ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qaabkii loo dilay Abu Mansuur Al-Amriki isagoo sheegay in weerar ay soo qaadeen ciidan ka amar qaata hogaamiyaha Axmed Cabdi Godane isagoo ku tilmaamay Amiirka Al-Shabaab Ahmed Cabdi Godane uu yahay Jaajuus u shaqeeya shisheeyaha oo raggii lacagta la dul dhigay uu laayey iyo culimadii Xarakada Al-shabaab  gaar ahaan Sheekh Ibraahim Afgani , Sh. Macalin Burhaan, Abu Mansuur Al-Amriki  iyo rag kale.

Sh. Cali Cusmaan ayaa sheegay in uu ku jiro duurka oo dad reer mii’ah iyo beeralay ay caawiyaan oo ay quudiyaan waxaan uu sheegay in uusan isku dhiibi doonin Ururka Al-shabaab ka dib xiriiro badan oo ay la soo sameeyeen.

Sheekh Cali Cusmaan waxaa uu fariin u diray  Al-Shabaab iyo Muhaajiriinta wuxuuna ugu baaqay in ay dacwada fidiyaan dul qaadan muujiyaan isagoo ku tilmaamay dhalinyarad  Axmed Godane uu adeeg sanayo ay yihiin kuwa Xasharaad ah oo dabka ku daa’danaya oo aan waxba weydiinayn madaxdooda.

Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa uu  horay u laayey culimadii dalka ugu waaweynaa xili ay ka soo baxayeen Masjdka iyo xili ay ku gudo jireen Salaad waxaan ka xusi karnaa culimadaas Allaha u naxariistee Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan , Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax ,Sh Maxamed Tahliil iyo  Sh Xassan Daahir Aweys oo habeen si guura ah uga baxsaday degmada Baraawe oo hadda u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabashada ay haatan muujinayan rag ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa waxaa lagu faafiyey baraha Internetka iyaga oo gaaleysiinaya Amiirka Al-Shabaab  kuna tilmaamaya magacyo ay ku tuuri jireen culumo rayi ahaan khilaafsan xalna u arag howlaha ay wadaan Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaan wili ka jawaabin eedeynaha culus ee loo jeedinayo madaxada Ururka waxaana shaki ku jirin in ay imaandoonto maalin waxwalba ay banaanka imaandoonaan.

Hoos ka Dhagayso Waraysiga Sh Cali Cismaan oo ka waramaya qaabkii loo dilay Abu Mansuur Al-Imriki

[audio:http://rasminews.com/wp-content/uploads/2013/10/Waraysigii-Sh.-Cusman.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Source :مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online