Sh.Bashiir Axmed Salaad oo muxaadao ka jeediyey Masjidka Al-Nuur ee Hargeysa.[Dhagayso]

October 19, 2013 - Written by Editor

shbashiirHargeysa:-Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culmada Soomaaliyeed kuwa ugu waaweyn ayaa muxaadaro qiimo leh ka jeediyey magaalada Hargeysa gaar ahaan Masjidka Al-Nuur waxaana uu Sheekh Muxaadaradiisa cinwaan uga dhigay Culumada oo la raaco waa badbaada dadka caqliga u saaxiibka ah. Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa  ku  bilaabay muxaadarada  ahmiyada diintu siisay caqli iinsaanka iyo in  lagu  dhiiri galiyey in  uu fikiro, waxaa kale oo  uu  tilmaamay  in  ay  muhiim tahay  in uu  waxyigu  hago  caqliga  oo  uu  dabasocdo.

Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa  waxaa  uu soo  qaataya  ilaa  Sagaal  Tusaale  oo  tilmaamaya  in  ay dadku  ku  badbaadi jireen culimada  waqtiga  ay  arrimuhu  adkaadaan  waxana  ka  mid  ahaa:-

1-Maalintii uu dhintay nabigu salalaahu calayhi wasalam waxa lagu baxay abubakar al-sadiiq.

2-Ibnu cabaas  iyo  doodii  dhexmartay khawaarijta  sidii  in  ay 4000 oo qof ka  soo  noqdeen.

3-Ninkii  dilay 99 nafood  in  uu  ku  badbaaday  caalimkii  uu  wax  way diiyey.

4-Qaaruun  dad maalkiisii  ku  dagmi gaadhay  iyo  sidii  ay  ugu badbaadeen  dad culimo ah.

5-Saddex saxaabi  oo  yaraysta  cibaadadaii  nabiga  صلى الله عليه وسلم sidii ay  ugu  badbaaden taladiisii  uu  siiyey.

6-Maalintii  xudaybiya  heshiiskii  lagalay  oo  saxaabada  qaar ka  biyo  diideen  sidii  loogu  baxay  go,aankii  nabiga صلى الله عليه وسلم   Iyo qodobo kale  ayaa  sheekhu  u  ku  soo  qaatay  maxadardiisa  waxanu  ku  dheeraday  ahmiyada  ay leedahay in lagu barto  culimada  laguna  xidhnaado waqti kasto.


Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Bashiir Axmed Salaad uu ka jeediyey Masjid Nuur ee Hargeysa

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/rmlrck2a17/sh_bashiir1.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Musasad Al-Karam
Halgan.net,Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online