Shir looga hadlayo aayaha gobollada dhexe ee Soomaliya oo ka dhacay Nairobi (Daawo)
October 23, 2013 - Written by EditorNairobi:-Shir looga hadlayo aayaha iyo Maamul usameynta gobalada Dhexe ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana shirka looga hadlayey Maamul u sameynta gobalada ,amaanka ,iyo horumarinta gobalada dhexe.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay oo furay Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Ximin iyo Xeeb, ergo ka socota gobolka Galgaduud iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaamka DFS.
Qaar ka mid ah Ergada ka soo qeybgashay shirka ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in masuuliinta iyo waxgaradka gobalada dhexe ay kulmaan si ay aayahooda uga tashadaan wixii khilaafaad ahna ay xaliyaan .
Dhanka kale Gudoomiyaha gollaha fulinta ee Ahlu Suna (Suufiyada) Sheikh Cabdirisaaq Cali Mire ayaa sheegay in ay si buuxda uga soo horjeedaan shirka ka socda Nairobi wuxuuna ku tilmaamay mid ay wataan dad gaar ah .
Hoos ka Daawo Shirka looga hadlayo aayaha gobollada dhexe ee Soomaliya ee ka dhacay Nairobi
C/Casiis Maxamed
Halgan.net