Shirkadda Golis oo raali galin ka bixiyey Fariimo SMS ah si qaldan loo diray (Dhageyso)

October 13, 2013 - Written by Editor

doonBoosaaso:-Masuuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa  waxay ka hadashay Fariin SMS ah oo si khaladan loo faafiyey waxaana arinkaas ka hadlay Maareeyaha Guud ee shirkadda Golis Aadan Sheekh Doon Cali

Maareeyaha Guud ee shirkadda Golis Aadan Sheekh Doon Cali ayaa shirjaraa,id uu qabtay wuxuuna  ka hadlay adeegcusub oo 3G oo ay ku soo kordhiyeen Shirkada Golis wuxuuna sheegay in dhawaan ay ka hirgalin doonaan deegaanada Puntland .

Madaxa Xiriirka Dadwaynaha ee Shirkada Golis Faarax Xaaji Mire ayaa waxaa uu ka hadalay fariimo SMS ah  oo loo diray  macaamiisha shirkadda wuxuuna sheegay in Fariimaha SMS laga soo diray dalka dibadiisa wuxuuna sheegay in ay arinkaas raali galin ka bixinayaan.

Faarax Xaaji Mire  oo ah Madaxa Xiriirka Dadwaynaha ee Shirkada Golis  ayaa sidoo kale sheegay in Fariimaha SMS ee loo diray macaamiisha shirkada Golis uu ahaa mid siyaasadeed ciidanka amaankana ay yimaadeen xarumaha shirkada ka dibna la is afgartay

Madaxa Xiriirka Dadwaynaha ee Shirkada Golis Faarax Xaaji Mire ayaa sheegay in Shirkada Golis ay tahay Shirkad Ganacsi aysana wax siyaasad ah shaqo ku lahayn isaga oo sheegay in Shirkada ay baareyso cida SMS khaldan u dirtay Macaamiisha Golis.

Hoos ka Dhageyso Shirjaraa,id oo ay Shirkada Golis ku qabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/pr2134qkme/mdaaq-golis2.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net
Codka SBC

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online