Taliska ciidanka Booliska Puntlland oo qalab is gaarsiin ah lagu wareejiyey

October 30, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa maanta lagu wareejiyey Taliska Ciidanka Booliska Puntland qalabka Isgaarsiinta ah oo ay ku wada xiriiraan ciidanka Puntland, qalabkaan is gaarsiinta ah ayaa waxaa taliska ciidanka ku wareejiyey Hay’adda UNDP.Taliyaha Ciidanka Booliska Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay saxaafada  ayaa waxaa uu uga mahad celiyey Hay’adda UNDP qalabka is gaarsiinta ah oo ay maanta ku wareejisay  Taliska ciidanka Puntlland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf  ayaa sheegay in Hay’adda UNDP ay horay qalab is gaarsiin ugu wareejisay Ciidanka Booliska Puntland isagoo uga mahad celiyey sidda Hay’adda UNDP ay Puntland uga caawiso dhismaha ciidanka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf  ayaa sidoo kale sheegay in qalan kaan is gaarsiinta ah uu ka caawin doono ciidanka Puntlland dhinac wada xiriirka oo Talisyada guud ee ciidanka ee ku yaal Gobollada Puntland ay u sahlanaan doonto in ay is la hadlaan si falal danbiyeedka dhac looga hortago ciidankuna  isku gaarsiiyo xogaha iyo fal danbiyeedyada dhaca maalin walba.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online