Taliyaha ciidamada booliska DFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay

October 21, 2013 - Written by Editor

Baydhabo4Baydhabo:-Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada booliska DFS Jen Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey Maamulka iyo Saraakiisha DFS ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidamada booliska DFS Jen Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa shir jaraa’iid ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo wuxuuna  ka waramay ujeedada socdaalkiisa isaga oo sheegay in uu u yimid magaalada Baydhabo in uu u kuurgalo xaalada Amniga ee magaalada wuxuuna balan qaaday in tababar iyo dib u habeyn in lagu sameyn doono booliska magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidamada booliska DFS Jen Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa haatan kulan la leh saraakiisha ciidanka booliska ee gobolka Baay waxaana sidoo kale kulan goobjoog ka ah saraakiisha ciidanka AMISOM.

Saraakiisha ciidanka Booliska ee Gobalka Bay ayaa ka codsaday Taliyaha ciidamada booliska DFS Jen Cabdixakiin Daahir Saacid in DFS ay dayactirto dhamaan xarumaha ciidanka Booliska ee gobalka Baay.

Taliyaha ciidamada booliska DFS Jen Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa booqasho ku tagay saaka saldhigga booliska ee degmada Baydhabo iyo xarrumaha kale ee ciidanka Booliska lagu tababaro oo ku yaal magaalada Baydhabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online