Taliyaha Ciidanka Xoogga ee DFS Jen Daahir Aadan oo gaaray Degmada Mahadaay

October 4, 2013 - Written by Editor

TaliyeMahadaay:-Taliyaha Ciidanka Xoogga DFS Jen Daahir Aadan Cilmi ayaa goordhow gaaray degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada Mahadaay iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

Ciidamo faro badan oo galbinayey Taliyaha Ciidanka Xoogga ee DFS Jen Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil ka tirsan DFS ayaa gaaray Mahadaay waxayna kulamo la qaadan doonaan saraakiisha DFS ee ku sugan Mahadaay ,Jen Daahir ayaa waxaana uu khudbad kooban u jeediyey ciidanka DFS ee la wareegay Degmada Mahadaay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ee DFS Jen Daahir Aadan Cilmi ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray ciidanka DFS ee la wareegay Degmada Mahadaay wuxuuna sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa 19 bishii hore kala wareegay Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Ururka Al-Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online