Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta DFS Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismail oo la xiray

October 30, 2013 - Written by Editor

taliyeCiidanka nabadsugida ee DFS ayaa maanta waxaa ay qabteen Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta DFS  Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismail , Taliyaha ayaa waxaa laga soo qabtay Xaafada Madiina isagoo horay ay Maxkamad ciidanka qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xukun tahay Xabsi daa’in.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta DFS  Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismail ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu wada shaqayn ay ka dhexeysay ururka Al-shabaab isagoo dhowr jeer oo hore xabsiga ka sii daayey xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo ciidanka DFS ay soo qabteen howl galo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Taliyaha waaxda dambi baarista ee cidanka Booliska  Siciid Axmed Kadiye oo la hadlay saxaafad ayaa waxaa uu u xaqiijyey in la qabtay maanta Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta DFS  Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismail isago sheegay in ay jirto agab lala soo qabtay markii ay ciidanku xirayeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay in ay xiriir  la leeyihiin ururka Al-shabaab iyaga oo lacago ku siidaaya xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu xiro xabsiga dhexe ee DFS

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online