Waayihii Dalkeyga – 1W/Q Sheekh Maxamed Idirs Ahmed

October 20, 2013 - Written by Editor

imageMecca:-Markii aan garaadsaday waxaan indhaha ku kala furay Dalkayga Somaaliya oo Nabada oo Dawladi ka jirto..Waxaan Subixii Aroorta Hore u kalixi jirey Iskuulka Degmada aan ku dhashay..oo Caasimadda Muqdisho u jirta 2000 km…hayeeshee ma aanan dareen sanayn baahi deg dega oo aan u qabo Caasimadda markaas..waxaan degmadayda ku haystey Iskuul aan Subaxdii tago..dugsiga qur,aanka oo galabtii aan aado..cisbitaal yar (clinic) hadii xanuun jiro aan daawo u doonto…Biyaha oo aan berkedda weyn ee magaalada dhexdeeda ka dhisan aan ka cabno..

 

Waxaan arki jirey Diyaaradda Somali Airlines, oo Maalin kasta oo jimca ah dul mareysa magaalada, casarka wax yar ka hor, kuna degeysa garoonka oo xoogaa magaalada u jira..kadibna waxaa dadka qaar iman jirey boostada oo la keeni jirey waraaqaha adduunka meel kasta ka yimi..halkaasoo aan marar badan kasoo qaadi jirey waraaqaha ay noo soo diraan ehelada dibadaha fog fog jira sida yurub iyo america..

 

Waxaan dareemi jirey nabad gelyo aad u weyn..waxaa aad u yarayd inaad maqasho qof ayaa la diley!! Wexey ahayd arrin aan dhegahaygu maqli jirin..waxaan arki jirey dhawrka askari oo magaalada jooga oo aan dereyska Booliska xidhan ayaamaha munaasabadi jirto mooyaane..magaaladana si caadiya isaga mara..saldhiga booliska dad is haysta laguma arko badanaa..waxaa aad u yar in dad lagu xiro..habeenka iyo maalintu nooma kala duwanayn xagga socodka..wax aad ka beqeysona ma jiraan..

 

Macalimiinta Iskuulka noo dhigaa wexey deggan yihiin guri dawladdu u samaysay oo ku dheggan Iskuulka…galbihii mar mar ayaan u tagnaa wax weydiin..galab ayaan u imi macalinka oo derin u taalo guriga hadhkiisa banaanka ah..waxaan xusuustaa oo berigaas dhegahayga ku dhacay hees markaa idaacadda ka socotey oo uu qaadayey Axmed Naaji..waxaan ka xusuustaa:

KACAN BEER FALANOO…AAN KU BAAHI BAXNEE..AAN IS BARNO..

Aroortii marka aanu iskuulka nimaadno waqtiga qaboobaha waxaa noo iman jirey nin ka socda farmashiga cisbitaalka, wuxuu arday walba siin jirey malcaqad (qaado) sharoobo ah oo qufaca ama hargabka qaboobaha ardayda looga hortegayo..weli daawadaas dawladu iskuulka aroortii noogu qaybin jirtey wey ii sii dhadhameysaa macaankeeda..waxaanan berigaas aqoon weyn u lahayn iney Dawladu ka fekereysey ardaydaas yar yar daryeelkooda…

 

Waxaa kutubta naloo dhigo aan ku bartaa Juqraafiga dalkayga..waxaa buuga mudaalacada aan ku arkaa magaalooyin waaweyn oo aan magacyadooda xifdiyey, oo aan rajeeyo inaan mar uun arko…Hargeysa…Kismaayo.. Baydhaba.. Jawhar…Gaalkacayo..

 

Ayaamahaas qofka gacantiisa qof ku dhintaa wuxuu ahaa inkaar qabe dadkoo dhan ka dhaleecaysan.. Wiil kirishboy ah ayaa maalin gaarigii dhaqaajiyey..si fiican uma wadi aqoon.. Ninman meel derbiya fadhiya ayuu jiirsiiyey.. Qof ayaa ku dhintay..dil ula kaca ma ahayn..waan yaraa..meeshii ayaan kusoo ururnay..wiilkii wuu gariirey.. Meeshii ayuu ka dhaqaaqi waayey.. Ilaa booliskii yimi oo kaxeeyey.. Waxaa la oran jirey waayadii dambe waa inkaar qabihii DHIIGA qabey..isagoo aan ula kac wax u dilin…weligay intaan jirey magaalada halkaas dhacdo ayaan ka xusuustaa dil dhacay..!!

La soco qaybta 2aad …..

W/Q Sheekh Maxamed Idirs Ahmed

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online