Wafdi Culimo ee socdaalka dacwo ku joogay Degmada ufeyn oo soo gabagabeeyey

October 12, 2013 - Written by Editor

DSC01976Boosaaso:-Xarunta Degmada Ufayn waxaa safar Dacwo ku soo gaba gabeeyay  wafdigii Mu’asada alminhaaj iyo Culimadii la socotay , ujeedka Safarkooda ayaa ahayd horumarinta Dacwada degmada iyo deegaamada ku xeeran, sida kob dhexaad , geesa qabad iyo jeedaal. Wafdigu intuu ku sugnaa deegaamadaas wuxuu Kulamo kale duwan oo ku aadan Dacwada waxey la qaateen Culimada iyo Ducaada kale ee Deegaamadaas gaar ahaan Degmada Ufayn, waxeyna ka wada hadleen sidii loo hor marin lahaa Dacwada Degmada iyo Deegaamada ku Xeeran .

Mu’asada Alminhaaj iyo Culimada la socotey waxey kulamo dacwdo la qaateen Ardeyda iyo Ducaada , Haweenka , Odayaasha dhaqanka , Qaybaha maamulka ee  Deegaamadaas, waxa ayna halkaa ka jeediyeen muxaadaraad , fataawa iyo kelimaad dhiiri gelina oo ku aadan guud ahaan Dacwada halka ay mareyso iyo Mas’uuliyada naga wada saaran.

Ardeydii iyo ducaadii kale ee Culimadaku kulanka la qaateen waxey ku adkeeyeen si gaara Mas’uuliyada uga saaran Dacwada iyo ka shaqeynteeda iyo sidii ay u gaarsiin lahaayeen qeybaha kale ee Deegaankaasi, iyadoo ay Mu’asasadu faracii degmada halkaas ka furtay .Waxaa safarkaani qaatay muda afar maal mood ah  ka qayb qaatay culimada uu safarkoodu  ku wahelisay maamulka Guud Ee Mu’asasada alminhaaj:

1-      Sheikh Max’ed Macalin Axmed.

2-      Sheikh Xasan Aw Xuseen .

3-       Sheikh C/raxmaan Bukhaari .

4-      Sheikh C/risaaq Xaydari .

5-      Macalin Iimaan Yuusuf .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online