Wargeyska The Telegraph oo warbixin ka qoray weerarkii ka dhacay degmada Baraawe

October 7, 2013 - Written by Editor

The TelegraphLondon:-Warbixin qoraal ah oo lagu soo daabacay shalay Wargeyska The Telegraph ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ay ciidanka Maraykanka ay ku qaadeen degmada Baraawe in lagu dilay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab. Wargeyska The Telegraph ayaa qoray in ugu yaraan labo Sarkaal oo ka tirsan Muhaajiriinta mid lagu dhaawacay halka mid kalena la dilay, waxaa kale oo Wargeyska The Telegraph uu xusay in weerarka uu ku dhintay nin asalkiisu yahay Soomaali balse haysta dhalashada dalka Swedan magaciisana lagu sheegay Cabdi Qadar.

Wargeyska The Telegraph ayaa qoray in Sarkaalka Muhaajiriinta ee lagu dilay weerarkii ay ciidanka Maraykanka ku qaadeen degmada Baraawe lagu magacaaabo Awab al-Uqba ama Sheikh Abdirahim, kana soo jeeda asal ahaan dalka Sudan waxaan uu ururka Al-shabaab u qaabilsanaa tababarka dhinac ciidanka Amniyaadka ee ka amar qaata hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee waddanka Marayknka, John Kerry, ayaa sheegay in weerarro ciidammada gaarka ah ee Maraykanku ay ku qaadeen gudaha Soomaaliya iyo Libya ayyihiin howl gal ay ku ugaarsanayaan ururka Al-Qaacid , waxaa uu sheegay in dowladisu ay ka go,an tahay la dagaalnka wax uu ku magacaabay Argagixisada.

Weerarkaan oo dhacay habeenkii Sabtiga ayaa Afhayeenka dhinac howlgalka Al-shabaab C/casiis Abu Muscab oo la hadlay wakaalada Reuters uu sheegay in ciidamo Ajnabi ah ay soo weerareen guri ku yaal degmada Baraawe weerarkaasna uu ku dhintay hal askari oo ilaalo ka ahaa guriga ciidankii weerarka soo qaadayna ay ururka Al-shabaab iska caabiyeen khasaarana gaarsiiyeen.

Sidoo kale Afhayeenka dhinac howlgalka ururka Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa beeniyey in weerarka ka dhacay degmada Baraawe lagu dilay Saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab. Ma ah markii ugu horaysay oo weerar ay a fuliyeen ciidanka Maraykanka iyo kuwa Faransiiska gudaha dalka Soomaaliya , ciidanka Maraykanka ayaa  waxaa ay gudaha Soomaaliya ku dileen , Saleh Ali Saleh Nabhan oo ay ku eedeeyeen in uu ahaa Madaxii ururka Al- Qaacid ee Geeska Afrika, halka xubno kale oo muhiim ahaa oo Maraykanku uu lacag dul dhigay lagu dilay degaano ay ka talinayeen ururka Al-shabaab.

Halkaan ka akhri warbixinta uu ka qoray weerarkii Baraawe Wargeyska The Telegraph

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online