Wasiirka G/dhiga DFS oo ka hadlay kulan ay la qaateen Madaxweynaha DFS

October 8, 2013 - Written by Editor

fiqiMuqdisho:-Wasaarada G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay mar uu wareysi diiyey idaacada ku hadasha afka DFS in wasaaradiisa ay dhameystirtay qorshe lagu weerarayo deegaanada Al-Shabaab ay wili heystaan wuxuuna intaas ku daray in kulankii shalay ay la qaateen Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud arinkaas lagu gorfeeyey.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa yiri “CiidamadaDFS  iyo wasaaraduba marnaba kama gaabinin doonaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab waana waajib na saaran in aan sii wadno howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab “ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga DFS.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka G/dhiga DFS ayaa amaanay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee isbuuciii hore la wareegay deegaanada Mahadaay, Buurane iyo Biyocade wuxuuna ku faanay wasiirku in qorshaha looga saari lahaa Al-Shabaab deegaanad ay ka joogaan gobalada dalka ay socdaan balse ma sheegin wasiirku goorta ay duulaanka qaadayaan .
Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii Ciidamada Kumandoska Mareykanka ku qaadeen guri ku yaal degmada Baraawe wuxuuna sheegay in uu ah mid qorsheysan oo la rabay in lagu dilo ama lagu qabto sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka G/dhiga DFS ayaa dhinaca kale qirtay in ay iskaashi dhinaca amniga uu ka dhexeeyo wadamada dariska iyo kuwa Reergalbeedka wuxuuna sheegay in ay sii socon doonaan beegsiga madaxda Al-Qacida iyo Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online