Xarunta cusub ee dagmada Dharkeenley oo maanta xariga laga jaray

October 27, 2013 - Written by Editor

xarunMuqdisho:-Xarun cusub oo ay yeelato Maamulka dagmada Dharkeenley ayaa waxaa maanta xariga kajaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay wehliyaan qaar katirsan masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir. Dhismaha cusub ee xarunta maamulka dagmada Dharkeenley oo ah mid ku cusub gudaha dagmadaasi, oo xiligii dowladdii dhexe dalka ay kajirtay xitaa aanan jirin xarun maamulka dagmada uu ku shaqeeyo ayaa waxaa Maamulka Gobolka Banaadir u suura gashay hirgelinta dhisamha xaruntaasi.

boqolaal dadweynaha dagmada ayaa isugu soo baxay gudaha xarunta dhisamaheeda xariga laga jaray ee Dharkeenley, iyadoona ay cod dheer ku soo dhaweeyeen dhisamaha xaruntaas oo noqoneysa mid loogu adeego shacabka.

ugu horeyn waxaa goobtaasi hadalo mahadcelin ubadan ka jeediyay Guddoomiyaha dagmada Dharkeenley mudane Macalin Cabdulle Cali Hilowle. isagoona ku nuux nuuxsaday in dadka dagmadaasi ay si aan kala har laheyn uga mahadcelinayaan dhismaha xaruntaas oo uu maamulka Gobolka Banaadir hirgeliyay.sidoo kale inta ay munaasabaddaasi socotay waxaa sugaan guubaabo u badan halkaasi ka qaaday kooxda Waabari, iyo barbaarta Gaashaaman ee degmada Dharkeenley

gunaanudkii munaasbadda xariga looga jaraayay xarunta Maamulka dagmada Dharkeinleey ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo dadka dagmadaasi kula dardaarmay adkeyta iyo taaba gelinta dariseynta oo ah mid amniga iyo horumarka dagmada Dharkeenley wax weyn ka tari karta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay uga hirgeliyay dhamaan dagmooyinka gobolka dhisme xarumo loogu adeego dadweynaha iyo goobo ay dhalinyarada dagmo kasta ku ciyaraan qeybaha kala gadisan ee Sports, ka waxaana taa barbar socotay qeybinta kubadda cagta oo ah nooc casri ah oo horay aan dalka u imaan.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online