Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaqdhaqaaq melatari ka bilaabay gobolka Galgaduud

March 22, 2014 - Written by Editor

AMISOMGalgaduud:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaq melatari deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka ka soo dhaqaaqay Degmada Dhuusa-Mareeb iyaga oo ku wajahan deegaanada ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxaa ay isaga baxeen Deegaannada Ceel-garas, Ceel-la-helay iyo Ceel-qoxle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Galguduud ee DFS Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame (Dhagaweyne) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Ceel-buur  oo ay haatan gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ilaa haatan ay ka saareen ciidamada Al-Shabaab Degmooyinka Xudur,Buurdhuubo,Buulo-burte,Rabdhuure iyo Qoryooley.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa haatan waxay badaleen dagaalkii tooska ahaa ay la gali jireen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxayna u badasheen dagaal ku dhufo ku dhaqaaqa ah taas oo ciidanka huwanta ku noqon doonta dagaal dheer,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online