Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Qoryooley ee Gobalka Sh Hoose

March 22, 2014 - Written by Editor

amisomAfgooye:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaal culus oo halkaas ka dhacay waxaana ciidamada huwanka ay degmada ka soo galeen jihooyin kala duwan.

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley  ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka galeen degmada Qoryooley, iska horimaad culus ayaa waxaa ay dhex mareen ciidanka DFS ,kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan

Barta Twitterka ee ciidanka  AMISOM ayaa waxaa la soo dhigay qoraal lagu cadeeyey in in ciidmada AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen  degmada Qoryooley oo qiyaastii magaalada Muqdisho u jirta ilaa 120-KM.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa warbaahinta u xaqiijiyey  in degmada degmada Qoryooley  ay la wareegeen ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in xaalku haatan degan yahay.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada AMISOM ayaa waxay sheegeen inuu maanta gobolka Shabeellaha Hoose si rasmi ah uga billowday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxayna sheegeen in ay la wareegi doonaan dhamaan deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Gobolka Shabeelaha Hoose

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online