Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele

March 16, 2014 - Written by Editor

amisomMuqdisho:-Ciidamada DFS oo garab ka helaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay  Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele ayna ku wajahan yihiin Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Al-Shabaab ayaan wax iska caabin ah sameyn waxaana ay isaga baxeen Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele  markii ay ku soo dhawaadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka Waaberigii ka dhaqaaqay deegaanka Ceelmacaan waxaana ay gaareen degmada Warsheekh iyagoo sii maray tuulooyin dhowr ah oo  hoos yimaada degmada.

Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya  in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay haatan ku wajahan yihiin degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe halkaas oo ay u carareen ciidamada Al-Shabaab .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheeganayaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online