Ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya oo sheegay in ay la wareegay degmada Buur-dhuubo

March 9, 2014 - Written by Editor

MDG : Somalia : A joint AMISOM and Somali National Army (SNA)  near AfgoyeGedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeyay ciidamada DFS  kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Buur-dhuubo,dagaalka ayaa geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta sheegay in ay la wareegeen  gacan ku heynta degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo ka dib markii ay Al-Shabaab isaga baxeen .

Col. C/laahi Cismaan oo ah abaanduulaha  ciidanka DFS ee gobalka Gedo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka carareen degmada Buur-dhuubo.Col. C/laahi Cismaan ayaa sheegay in ciidamada DFS  iyo kuwa Itoobiya ay galabta la wareegeen galabta degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo wuxuuna sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.

Col. C/laahi Cismaan ayaa sheegay in ay dagaalka ka dhanka ah kooxada Al-shabaab uu sii socon doono isaga oo ku goodiyey in degmada Buur-dhuubo ka dib ay gaari doonaan degmada Baardheere. Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay  ku sugan duleedka degmada Buur-dhuubo ee dhinaca wadada aada degmada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalada ka socda gobalada Bay,Bakool iyo Gedo oo ay guulo ka sheeganayaan ciidamada AMISOM iyo saraakiisha ciidanka DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online