Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Waajid ee gobolka Bakool

March 8, 2014 - Written by Editor

ciidanBaydhabo:-Wararka ka imaanaya gobolada Bakool iyo Geddo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ee dhawaan ku biiray AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay galeen degmada waajid, iyadoo dagaal kalena uu ka dhacay duleedka Degmada Buur Dhoobo ee gobolka Gedo.

Ciidamada Ethiopia oo ku hubeysan taangiyo iyo gawaarida kale ee gaashaaman oo ay wehliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa maanta galay degmada Waajid ee gobolka Bakool, oo 90 km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Ciidamada huwanta ayaa iyagoon la kulmin wax iska cabin ah qansaday magaalada, ka dib markii maleeshiyaadkii al-shabab ee ku sugnaa magaalada ay isaga baxeen.

Dhinaca kale dagaal ayaa saakay ku dhex maray ciidamada huwanta ah iyo maleeshiyaadka al-shabab deegaanka Xamurre oo qiyaastii 25km dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Buur-Dhuubo ee gobolka Gedo.

Warar aan la xaqiijin oo goor dhow naga soo gaaray Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo duleedka degmada Buur-dhuubo

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online