Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS oo la wareegay degmada Rabdhuure

March 6, 2014 - Written by Editor

Magaalada-BaydhaboBaydhabo:-Taliska ciidanka DFS ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS ay la wareegeen degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool, halkaas oo saldhig weyn u ahayd ciidanka Al-Shabaab.

Gaashaanle-sare Cabdi Maxamed oo ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamka Itoobiya ee huwan shaarka AMISOM iyo kuwa DFS ay la wareegeen degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool isaga oo sheegay in Xudurna ay ku sii socdaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa si xoogan ugu duqeeyey Madaafiic iyo BM-ka deegaanada ku xeeran degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool waxaana halkaas isaga barakacay qaar ka mid ah shacabkii deganaa degmada Rabdhuure.Dagaalka ka dhacay degmada Rabdhuure  ayaa waxaa uu dhacay laba jeer wuxuuna geystay khaaso leh dhimasho iyo dhaawac .

Idaacada VOA Laanta Afka Soomaaliga ayaa waxay Wareysi la yeelatay Sarkaal ka tirsan DFS oo la yiraahdo Daa,uud Cabdi Ismail oo sheegay in uu ku sugan yahay degmada Rabdhuure wuxuuna sheegay in gacanta ku hayaan degmada Rabdhuure .

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Bakool C/nuur Maxamed Xasan, ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada DFS  iyo kuwa Itoobiya, ay la wareegeen degmada Rabdhuure.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaan wili ka warbixin dagaalada ka dhacay degmada Rabdhuure kaas oo dhexmaray ciidamada Itoobiya kuwa DFS iyo Al-Shabaab,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online