Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Buulo-burte

March 13, 2014 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMBuulo Burde:-Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka hellay ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa waxay goor dhow la wareegeen Degmada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan ,Degmada Buulo-burde ayaa waxaa ay 125 KM dhanka Waqooyi ka xigtaa  magaalada Muqdhso waxaan ay isku xirtaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia.

Ciidamada huwanta ayaa ka soo galay Degmada Buulo-burte Galbeedka waxaana iska horimaad kooban uu ku dhexmaray ciidanka ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa AMISOM Deegaanka Garablaawe ee Galbeedka Buulo-burte oo ilaa 8-km u jirta Degmada Buulo-burte.

Intii uu socday Dagaalka ayaa ciidamada Itoobiya waxay Madaafiic ku garaaceen Degmada Buulo-burte waxaana dadweynihii ku noolaa Degmada ay ku xaroodeeen guryahooda. Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa haatan waxay fariisumo ka dhigteen xarunta Degmada Buulo-burte iyo Saldhiga Booliska waxaana ay miino baaris ka bilaabeen xarumaha ay la wareegeen iyaga oo ka baqaya in miinooyin ay ugu aaseen ciidanka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, ayaa waxaa uu la socdaa ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sidda wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ay sheegayaan.

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online