Ciidanka Itoobiya oo la wareegay degmada Xudur ee gobolka Bakool

March 7, 2014 - Written by Editor

AMISOMXudur:-Ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM oo kaashanaya ciidamo Soomaali ah  ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Xudur ee gobolka Bakool ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab ee gacanta ku hayey ay ka baxeen magaalada.

Ciidanka Itoobiya ee ku biiray AMISOM ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa ay dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadeen xuduudda u dhexeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo isku diyaainayey in mudo ah in ay qabsadaan deegaanada ay gacanta ku hayaa Al-shabaab ee ku yaal Gobolka Gedo iyo Bay iyo Bakool.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaaliya Wondimu Asaminew oo waraysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidamadoodu ay si nabad ah oo aan dagaal laheyn ula wareegeen degmada Xudur ayna ciidamadoodu ay kaabiga ku hayaan  magaalda Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale  afhayeenka  u hadlay kooxda Suufiyadda ah ee gobollada Koonfureed  Sh.Mohamed Hussein Isaaq (al- Qaadi) ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan ururkooda ay gacan siinayaan ciidanka Itoobiya  ee duulaanka ku ah  fariisamaha Al-shabaab ayna qabsadeen degaanka Birta-dheer ee Gobolka Gedo.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo  tilmaamaya in ciidanka Itoobiya ay kala wareegeen degmada Xudur ee gobolka Bakool.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online