Ciidanka Puntland ee Gobolka Gardafuu oo qabtay dooni jiriifaysay Xeebaha Puntland.[Dhagayso]

March 4, 2014 - Written by Editor

ciidanka-badda-PuntlandCaluula:-Ciidanka badda ee Puntland ee ku sugan Gobolka Gardafuu ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Raasiga Booli moog uu u jira 5 Mayl degmada Caluula waxaa ay gacanta ku dhigeen Dooni si sharci daro ah uga Kalluumay sanaysay xeebaha badda Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Calluula Cali Saalax Yuusuf oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in Doonta ay saarnaayeen calooshood u shaqaystayaal ah oo iska horimaad u dhex maray ciidanka ka dibna ay ciidanku ka awood roonaadeen iyagoo ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Caluula Cali Saalax Yuusuf ayaa u sheegay saxaaafadda  in markii  Cuqaaasha iyo Issimada Gobolka Gardafuu gaar ahaan degmada Caluula la tusay doonida la soo qabtay iyo agabkii Kaluunka ahaa oo saarnaa ay gacanta madax saareen oo ay aad u qaracmeen.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Caluula Cali Saalax Yuusuf ayaa sheegay in doonyahaa badda ku jira ay leeyihiin dalalka IranIraaniyiin iyo Yemen ayna wataan Shabaago waawayn, oo daqiiqaii kaadi kara ilaa shan kun illaa Lix kun(5000 illaa 6000) oo Kalluun ah.

Ciidanka howlgalka sameeyey ee ku guulaystay in ay soo qabtaan Doonidaan sidda sharci darada uga kaluumay sanaysay badda Puntland ayaa waxaa hogaaminayey taliyaha Saldhiga degmada Calluula iyagoo qabtay doon Xaawiya iyo labo Sixiimadood iyo carabtii saarnayd.

 Hoos Ka dhagayso Waraysiga Guddoomiye ku xigeenka degmada Calluula Cali Saalax Yuusuf

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online