Dagaal ka socda degaanka Birta-dheere ee Gobolka Gedo

March 7, 2014 - Written by Editor

dagaalGedo:-Wararka naga soo gaaray Gobolka Gedo ayaa sheegay in saaka uu dagaal u dhexeeya ciidamo soomaali ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo ciidanka ururka Al-shabaab uu ka socdo duleed ka Degmada Garbahaarey. Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Birta dheere ee Duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo waxaan la sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda dagaalka uu u dhexeeyo.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in ay qaadeen Ciidamo huwan ah oo iskugu jira Soomaali iyo ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo dhawaan ku biiray ciidamada shisheeyey ee AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya si ay ula wareegaan fariisamaha ay ku leeyihiin ciidanka Al-shabaab Gobolka Gedo.

Ciidanka Soomaalida ah ee kaashanayey ciidanka Itoobiya ayaa  Sarkaal u hadlay waxaa uu sheegay in ciidankiisu ay qaadeen dagaalka haddan ay gudaha u galeen degaanka Birta Dheer halka ciidanka Al-shabaab ay dib u gurteen.

Ma jir ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay hogaanka ciidanka ururka Al-shabaab oo ku aadan weerarka maanta lagu soo qaaday fariisin ay ku lahaayeen  degaanka Birta dheere ee Gobolka Gedo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online