Dagaalo maalintii 3aad ka socda deegaano ka tirsan gobalka Bakool

March 7, 2014 - Written by Editor

dagaalBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus uu dib uga qarxay saaka duleedka tuulada Teeda waxaana dagaalka uu u dhexeeyaa ciidamo huwan ah oo ka kooban ciidamo sheegtay in ay ka tirsan yihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya ee AMISOM.

Dadka ku dhaqan degaanka uu ka socdo dagaalka ayaa isaga barakacay ka dib markii ay Madaafiic ku duqeeyeen ciidamada Itoobiya ee ku hubaysan hubka culus. Sarkaal u hadlay  ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay haatan ku sugan yihiin tuulada Teed oo 30-km u jira degmada Xudur ayna ciidanka Al-shabaab kala wareegeen wuxuuna ku faanay in saacadaha soo socda ay gali doonaan Degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool.

Dhanka kale Ciidamada Al-Shabaab ayaa guulo ka sheeganaya dagaalka maalinta 3aad ka socoda gobalka Bakool waxayna sheegeen in uu fashilmay duulaankii ay wadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayna dib u qabsadeen degmada Rabdhuure .

Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa shalay sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Rabdhuure oo saldhig weyn ay ku lahaayeen ururka Al-shabaab. Ilaa haatan lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalada ka socda gobalka Bakool.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online