Dowladda Puntland oo kulan labo cisho ah uga furmay xarunta PSU ee Garoowe

March 7, 2014 - Written by Editor

GarooweGaroowe:-Waxaa saaka kulan iskugu yimid Golaha xukumadda Puntland iyadoo kulanka maanta looga dooday waxqabadka sanadka hore iyo in dowladda Puntland ay ka dhabayso balanqaadkeedii ay u qaadeen shacabka Puntland ee ku saabsanaa xoojinta nabadgelyada iyo dhismaha ciidanka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in ay muhiim tahay in dowladda Puntland ay la timaado isbedel ay kaga duwan tahay dowladdihii hore waxaan shacabku ka sugayaa in dowladdu ay sii xoojiso in laga gudbo qaab beeleedka wax loo doorto loona gudbo qaabka Xisbiyadda badan.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Gaas ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday in xukuumada laga doonayo in ay la timaado barmaamij dhamaystiran oo ku aadan wax howl ah ee la qabanayo maadaama xukuumadu ay hadda mudo bilo ah ay shaqaynaysay oo wasiir walba uu hadda la qabsaday Wasaaraddiisa.

Kulanka oo socon doono ilaa labo cisho ayaa waxaa shir gudoominayey saaka Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng. Camey waxaan kulanku uu ka socdaa hoolka shirarka ee Jaamacadda Puntland State Universtiy ee magalada Garoowe.

Dhinac kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaban doonto shir weyne ballaaran oo looga tashanayo xaaladda Gobolka Sool shirkaas oo lagu marti qaadi soono waxgaradka iyo Issimadda Gobolladda Sool , Sanaag iyo Cayn  dhawaana uu qabsoomi doono.

Kulanka ayaa waxaa la soo afmeeri doonaa maalinta beri ah  waxaan ka soo bixi doono qaab howleed ay ku shaqayn doonto xukuumada Puntland  oo saldhig u noqon doono baraamij ku saabsan dhinacyadda amniga, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online