Faahfaahin weerar lagu dilay Abbaanduulihii ciidanka DFS ee gobalka Hiiraan

March 18, 2014 - Written by Editor

BuuloburdeBuuloburde :-Wararka naga soo gaaraya magaalada  Buuloburde ayaa sheegay in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen halka ilaa 20 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Degmada  Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Dadka dhintay ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku jiro Abbaanduulihii ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiraan Korneel Maxamed Amiin Jeesow. Sidoo kale ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa uga dhintay weerarka ilaa 6 askari oo 3 ka mid ah ay yihiin ciidamada dalka Jabuuti.

Magaalada Buuloburde ayaa waxaa gacan ku heynteeda la wareegay maalintii khamiista ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM waxaana halkaas isaga baxay ciidamadii Al-Shabaab. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ka sameeyey magaalada  Buuloburde ee gobalka Hiiraan waxayna xabsiga dhigeen dhowr qof oo ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Weerarka is miidaaminta ee xalay ka dhacay Degmada  Buuloburde ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online