Haweenka ma ilaahood baa dulmiyey? W/Q: Sh. Axmed Faarax Dheeli

March 9, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Walaalayaal run ha moodinina qaylo dhaanta gaalada iyo inta ay ku qaraabtaan oo oranaysa haweenka islaamka ayaa dulmiyey oo isugu biyo shubanaysa allaah baa dulmiyey , khayr haday cid u galayaana gabdhohooda ayey sharfi lahaayeen, hadaba xaqiiqooyinkaan yaanan marna ka been sheegin oo aan iska qaadan waxa cadowgu noo yeerinayo:-

1) haweeneey kasta ninbaa dhalay, nin kastana gabarbaa dhashay, inta kalena waa lamid adeere + eedo, abti+habar, xaas+ninkeed, IWM, hadaba goormaa dadka la kala faquuqay , ninku markuu gabadha dulminayo ma hooyadiis iyo walaashii buu dulminayaa eleen nin kasta intaasaa ku xeeran.

2) haduu jiro nin xun oo reerkiisa dayaca oo aan masruufan oo dhibaateeya sidoo kale waxaa jira haweeneey xun oo intoo kale samaysa. wanaaguna waa sidoo kale.

3) imaanka, taqwada, janada, naarta, danbiga , qabriga, xisaabta iyo inkaloo badan waa loo siman yahay oo isku si ayaa allaah ula wada xisaabtamayaa.

4) waxaa jira shaqooyin loo kala soocay raga iyo dumarka oo ayana aan ahayn cunsuriyad ee ku saabsan qolo walba meesha ay ku haboon tahay , maadaama haweenkii ay gaar yihiin shaqooyin adadag oo ragu aysan qaban karin sida uurka, dhalmada , nuujinta, barbaarinta ilmaha, agaasinka guriga , diyaarinta jiilka bari aduunka maamulaya rag iyo dumarba ayaa laga khafiifiyey shaqooyinka banaanka sida biilka reerka, jihaadka, jamaacada masjidka, qaalinimada, madaxa guud ee umada, IWM

5) waxaa jira meelo raga loo badiyey sida dhaxalka xaaladaha qaar, magta, laakiin sida xaqiiqda ah meelahaas laftigooda gabdha ayaa lagu dhaqaaleeyey oo siyaado wadata maxaa yeelay tusaale wiil iyo gabar ayaa abahood ka dhaxlay 3000$, gabadhii waxaa la siiyey 1000$ wiilkiina 2000$ . isla markiiba labadiiba waa guursadeen wiilkii 1000 meher baa looga qaatay 1000$ arooskii bay ku baxday biilkiina inuu shaqeeyaa laga rabaa, gabadhii kunkeedii waxaa loogu daray kun kale biilna lagama rabo , marka labadaas qof yaa loo roonaaday.

6) meelaha qaarkood allaah wuxuu fadliga iyo dheeriga siiyey gabdhaha sida xaqa waalidka hooyadu 3 darajo ayey dheer tahay aabaha, koriimada gabadhahana waxaa loo balan qaaday waaridka in naarta looga xijaabayo.

7) jaahiliyadii hore gabdhaha waa nolol duugi jireen jaahilyadaani ayagoo nool bay dileen waxayna ka dhigteen badeeco si fool xun ay ugu shaqaystaan sharaftoodana ay duugaan markay qaawiyeen kadib ayey ka dhigteen xoghayn ay shahwadooda ku gutaan meel walba xuna ay galiyaan dhibaatadaasna maanta waxaa og gabdhaha reer yurub.

8) islaamku labadaba waa ka badbaadiyey markay yartahay aabeheed ayaa lagu amray inuu xafido oo koriyo oo u shaqeeyo markay waynaatona ninkeeda.

9) waa jiraan dhibaatooyin lagula kaco gabdhaha muslimka ah oo mujtacooda kaga yimaada laakiin islaamka iyo allaah labaduba bari bay ka yihiin ciladahaasna anagoon kala saarin rag iyo dumar aan lawada dagaalano.

10) gabadhu mujtaceeda ayey ka mid tahay xumaan iyo samaan tusaale dagaaladii sokeeya ee soomaaliya ragu hubkay qaateen dumarkuna kama sokayn dhiirigalin , abaabul, dhaqaale intaba.

 W/Q: Sh. Axmed Faarax Dheeli

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online