Madaxweynaha DFS oo la kulmay wufuud ka socta QM ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD

March 6, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wufuud caalami ah oo ka kala socota QM  ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya waxaana ay ka wada hadleen amaanka magaalada Muqdisho ,mowqifka DFS shirarka ka socda magaalada Baydhabo iyo heshiiskii dhexmaray Maamulka Juba iyo DFS.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo wufuuda ka socota QM  ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD ayaa waxaa looga hadlay  amaanka magaalada Muqdisho mowqifka DFS ee shirarka ka socda Baydhabo iyo xiriirka Maamulka Juba iyo DFS waxaana wufuudu ay taageertay mowqifka DFS ka qaadtay shirarka ka socda Baydhabo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka iyada oo xooga la saaray arimaha Amaanka.

Ergayga IGAD ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxsamed Cabdi Afeey oo isagana saxaafada la hadlay ayaa sheegay  in DFS  ay garab taagan yihiin mar waliba,isaga oo balan qaaday taageero dhinac walba ah

no images were found

Danjire Maxsamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in DFS iyo IGAD ay ka wada hadleen sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen DFS iyo Maamulka Juba oo uu madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online