Madaxweynaha Dowladda Puntland oo tegay degaanka Galgala.[Masawiro]

March 25, 2014 - Written by Editor

1Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo ay galbinayaan cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta , kuwa Nabadsugida ee PIA ayaa saaka safar shaqo ku tegay  xarumaha ay ciidanka Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Golis ee Aaga Galgala.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Gaas ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey wasiirka amniga Xassan Aloore ,Taliyaha difaac ciidanka Puntland  Gen.Siciid Dheere iyagoo warbixin kale duwan ka dhagaystay taliyaash ciidanka difaac ee Buuraha Golis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay ciidanka daraawiishta ee ku sugan jiida hore ee Buuraha Golis ayaa sheegay in dowladda Puntland ay dhawaan dagaal la geli doonto kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Golis iyo kuwa taageera.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo uu ciidanka u sheegay in dowladdu ay awood saari doonto dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda xeebaha macmalka ah si aan wax hub ah uga soo degin.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa safarka degaanka GalGala ka dib waxaa uu u socdaalay degmada Carmo ee Gobolka Bari halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono waxgaradka iyo Issimada ku sugan degmada Carmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online