Madaxweynaha Galmudug oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Gaalkacyo (Dhageyso)

March 9, 2014 - Written by Editor

Jen QeybdiidGaalkacyo:-Madaxweynaha Galmudug Gen-Cabdi Xasan Cawaale Qeybdid ayaa galabta shirjaraa,id ku qabtay Koonfurta Magaalada Gaalkcyo ee Xarunta Gobalka Mudug waxaana uu ka hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda iyo shirka dhawaan ka furmi doona gobalada dhexe.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey socdaalkii uu tagay Muqdisho iyo Nairobi wuxuuna sheegay in ay guul ku soo dhamaatay.

Jen Cabdi Qeydiid ayaa waxaa uu ka digay in gobalada nabada ah gaar ahaan gobalka Mudug  ay soo galaan firxadka Al-Shabaab wuxuuna shacabka Galmudug uga digay in ay qaraaba iyo walaalnimo u soo dhaweystaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay howlgalo balaaran ka wadaan meelo ka mid ah gobalada dalka wuxuuna ugu baaqay reer Gaalkacyo in ciidamada amaanka ay la shaqeeyaan oo ay hoosta gishan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug  Gen-Cabdi Xasan Cawaale Qeybdid ayaa dhinac kale ka warbixiyey halka uu marayo shirkii Maamul gobaleed loogu sameyn lahaa gobalada dhexe wuxuuna sheegay  in heeer gaba gabo ah uu marayo.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa maalin ka hor waxaa uu ka digay in Al-Shabaab soo galaan deegaanada Puntland isaga oo taageero dhinac walba ah weydiisatay beesha Caalamka iyo DFS.

Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Qeydiid oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Gaalkacyo

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online