Madaxweynaha Maamulka Juba oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya

March 4, 2014 - Written by Editor

madoobe2Addis ababa :-Wafdi uu horkacayo Madaxwaynaha mamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu kulan  la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba iyo  wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa waxaa ay ka wada hadleen heshiiskii ay Addis ababa ay ku wada gaareen DFS iyo Maamulka KMG ee Juba taas oo wax badan oo ka mid ah uu fuli waayey .

Wafdiga Maamulka KMG ee Juba iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen qaabkii loo horumarin xiriirka ka dhexeeya dowlada Itoobiya iyo Maamulka Juba.

Ilaa hataan lama yaqaan wax ka soo bixi doona kulanka ay maanta Addis ababa ku wada qaateen wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Juba iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Dhanka kale waxaa magaalada Kismaayo la filayaa in lagu qabto shirwayne  dib u heshiisiin kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan waxgaradka iyo cuqaasha gobalad  Jubbooyinka iyo Gedo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa caawa casho sharaf u sameeyey wafdiga uuu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaana socdaalkiisa ku weheliya madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubaland Suldaan Cabdiqaadi lugadheere,wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Cabdirashiid .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online