Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwal Gaas oo lagu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso (Masawiro)

March 22, 2014 - Written by Editor

354Boosaaso:-Madaxwaynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu maanata ka soo ambabaxay  magalada Qradho xarunta Gobalka Karkaar halkaas oo uu ku soo maray kormeer waxaana uu kulan la qaatay waxgaradka iyo saraakiisha amaanka ee Qardho

Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas ayaa waxaa uu ku hakaday  degmooyinka Waaciye iyo Carmo halkaasoo uu kula kulmay maamulada degmooyinkaasi iyo waxgardka wuxuuna u balan qaaday waxqabad la taaban karo.

Dadwayne faro badan iyo maamulka Gobalka Bari ayaa wafdiga Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas waxay  kaga hortagay kaantaroolka koonfureed ee magalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa socod dheer ku maray duleedka magaalada Boosaaso waxaana uu gacan qaaday qaar ka mid ah dadweynihii soo dhaweeyey

Ciidamada kala duwan ee Puntland gaar ahaan kuwa Madaxtooyada ayaa si weyn u sugayey amaanka Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

no images were found

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa  warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay in shacabka Puntland ka warqabi doonaan aysana dhici doonin in dowlada ku ekaato wadada Laamiga.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa wuxuu sheegay in dowlada ay qaban doonto shirar kala duwan maalmahan soo socda kaas oo looga hadli doono ganacsiga iyo nabadgalyada wuxuuna ka dhici doonaa magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa socdaalka uu ku tagay magaalada Boosaaso waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Garaash),Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore,Wasiirka Caafimaadka Dr.Saadiq Eenow.Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyaradda,.wasiirka Duulista hawada iyo Taliyaha Difaaca ee Puntland Jen Saciid Dheere.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online