Jen Muungaab kulan la yeeshay Agaasime yaasha Dowladda hoose ee Muqdisho.

March 6, 2014 - Written by Editor

DSCF8872Muqdisho:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta kulan isbarasho ah la qaatay dhamaan Agaasime yaasha dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska mudane Muungaab ayaa waxaa ka soo qeyb galay 35-Agaasime, waxaana ujeedada kulanka aheyd isbarasho iyo dardaaran adag oo uu duqa magaalada u jeediyay dhamaan Agaasime yaashii uu maanta kulanka la qaatay.

Shirka inta uu socday ayaa waxaa Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho sareeyo Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu u caddeeyay dhamaan agaasime yaashii uu kulanka la qaatay iyo dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir oo dhan ineysan jirin inuu doonayo inuu badalo qof shaqadiisa watay.

Wuxuuna ku sifeeyay mudane Muungaab in qorshihiisa aysan aheyn badal shaqsi, oo kaliya balse uu yahay isbadal dhab ah oo shaqeeya oo k a dhex dhasha dhamaan waaxyaha kala gadisan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

no images were found

Majirto cid shaqadeeda wadata oo aan badaleyno, waxaan kaliya badali doonaa ciddii shaqadeeda gudan weysa, oo ka soo bixi weysa waajibaadka la saaray iyo adeega ay shacabka u heyso, ayuu yiri mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Duqa Muqdiso ayaa kula dardaarmay dhamaan howl wadeenada kala duwan ee dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir iney dhaxda u xirtaan sii laba jibaaridda holwaha ay u hayaan shacabka.

Agaasime yaasha dowaldda hoose ee Muqdisho ee kulanka maanta xafiiskiisa kula qaatay mudane Muungaab ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, kulankaasi isbarashada ahaa iyo dardaarankii daba socday, waxeyna balan qaadeen iney sii laba jibaari doonaan howshooda.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, oo sheegay in kulankaasi uu guul kusoo dhamaaday, islamarkaana ay socon doonaan kulamo wada tashi ah oo duqa Muqdisho la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee mamaulka gobolka ku dhaqeeyo, isagoona dhanka kale tilmaamay in wax weyn laga badalay hanaankii heli taanka kaararka aqoonsiga ee muwaadinimo.

Boorweyn oo lagu dhajiyay afaafka hore ee xarunta Teesaradaha Aqoonsida muwaadinimo laga baxsho ayaa lagu soo daabacay magacyada shaqsiyaadka ay usoo baxeen kaararka, islamarkaana lagu ogeysiinayaa iney soo doontaan kaararkooda, waxaana sidoo kale la adkeeyay amniga xaruntaasi, iyadoona wax weyn laga badalay hanaankii ay shacabka ugu shaqeyn jirtay oo lasii tayeeyay.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online