Nadwo ka socotey Boorama oo gashay habeenkeedii 3aad.[Masawiro]

March 20, 2014 - Written by Editor

Snapshot(57)Boorama:-Nadwo cilmiyeedkii diiniga ahaa ee ka socotay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Aw-dal ayaa waxaa ay gashay  habeenkeedii saddexaad iyadoo Nadwadaan ay soo diyaariyeen ururka dhalinyarad ee Badbaado.Habeenkii xalay ayaa waxaa Nadwadaan muxaadaro uu ugu magacdaray ”Waxyaabaha sababa in ay dhalinyardo weecdaan ama inxiraafaan waxaa jeediyey Sh.Maxamed Cabdi Xassan Sh.Maxamed Shiino.

Sheekh Maxamed Shiine ayaa waxaa uu ka mid yahay ducaada degan dalka Ingriiska gaar ahaan magaalada London. Sheekha ayaa inta badan marka uu yimaado magaalada Boorame waxaa uu ka jeediyaa muxaadaraad lagu wacyi gelinayo bulshada ku dhaqan magaalada Boorame.

Muxaadarada uu jeedinayey Sh.Maxamed Shiine  ayaa  waxaa  aad uga soo qayb galay dad weyne fara badan oo aad u xiisaynayey muxaadarada Sheekha oo inta badan dalka dibada uga maqnaa. Muxaadarada ayaa waxa uu sheekhu aad ula hadlayay dhalin yarta isagoo  tusaalooyin iyo wanoooyin siinaayay. Muxaadarada ayaa waxa ay qabsoomtay xili loo baahnaa in dhalin yarta lala hadlo oo laga waaniyi  inxiraafka ay ku jiraan iyaga oo ay sii badanayso Tahriibka dhalin yarta haysata iyo fahan la’aanka haysata dhinca noloshaba.

no images were found

Gaba gabadii muxaarada ayaa waxa uu sheekhu dhalin tii soo buux dhafisay Masjidka siiyay talooyin iyo dar daaran guuud oo ay ku horumari karaan haday ku dhaqmaan.

Ururka dhalinyarad ee Badbaado.
Boorame, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online