Ra’iisul wasaaraha DFS oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Switzerland (Masawiro)

March 21, 2014 - Written by Editor

SONY DSCSwitzerland:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Geneva kula shiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Switzerland Mudane Yves Rossier, kulankaasi ayaa ka dhacay xarunta dawladda Federalka Switzerland ee magaalada Berne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Switzerland howl-gallada ay dawladdu ku baacsanayso Nabad-diidka Al-Shabaab, mudnaanaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha Soomaaliya ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa kulanka ku wehelinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay (Geneva), Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil “Bari-Bari”

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dawladeed, waxaa Soomaaliya ay leedahay oo u shaqaynaya baarlamaan iyo Xukuumad, waxaase wali jira caqabado badan oo laga gudbi doono.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

“Waxaan dagaal kula jirnaa Nabad-diidka Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaasi bur burinta ku haysa diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

no images were found

Shirka waxaa looga hadlay intii uu socday xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda Soomaaliya ay u baahantahay. Wasiirka Arrimaha  Dibadda ee dalka Switzerland Mudane Yves Rossier waxaa uu sheegay in ay taageero ku bixinayaan xoojintya dhismaha dawladeed. Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ay dawladiisu gacan ka gaysan doonto arrimaha baniáadanimo ee la gaarsiinayo goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka Al-shabaab isla markaana uu qorshaynayo in uu soo booqdo dalka Soomaaliya  dhowaan.

“Waxaan soo dhoweynayaa xiriirka labada dawladood iyo sida ay Switzerland u jeceshahay in ay uga qayb qaadato dib-u-dhiska dalka, bishii hore ayay ahayd markii ay Switzerland dib-u-soo magacaabeen Safiirka Switzerland  ee Soomaaliya u fadhiya kadib 30 sano, maantana waxaan ka wada hadalnay sidii ay Switzerland u sii xoojin lahayd taageerada ay uga qayb qaadanayso dib-u-dhiska dalka.

“Switzerland waxaa ku nool ku dhowaad 10,000 oo Soomaali ah, waxaana ku dhiiri galinaynaa Soomaalida Switzerland  in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya  isla markaana ay uga faaíideeyaan wixii ay barteen dalka Soomaaliya. Xukuumaddu waxaa ay dib-u-soo noolaynaysaa hayádaha dawladda kadib 23 sano oo bur bur ah.”  Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

ENDS
Ridwaan Haji
Government Spokesperson
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online