Ra’iisul Wasaaraha oo kulan casho ah la yeeshay qeybaha warbaahinta (Warsaxaafadeed )

March 8, 2014 - Written by Editor

IMG_1757Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan casho ah la qaatay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, kuwaasoo isugu jiray kuwa gudaha iyo dibadda.

Kulankan ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyadoo lagu casuumay qeybaha warbaahinta ee gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana kulankan oo qaatay muddo 5 saacadood ah la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen dawladda iyo qeybaha warbaahinta, ayna u tabin lahaayeen warbixino u roon dhegaha shacabka qeybna ka qaadanaya horumarinta iyo xasilinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay kulankan ayaa madaxda hay’addaha warbaahinta u sheegay in kulankan uu uga gol leeyahay sidii ay isku baran lahaayeen madaxda warbaahinta isla markaana ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen dawladda iyo warbaahinta, maadaama warbaahintu ay qeyb libaax leh ka qaadato isu soo dhoweynta shacabka iyo dib u dhiska dalka.

no images were found

“Ujeedada aan idiin casuumay waxa weeye inaan is barano isla markaana wadaagno aragti ku saabsan marxaladda dalka iyo kaalinta warbaahintu ka qaadan karto xasilinta iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay intii uu socday kulanka cashada sharafta ah ee uu u sameeyey bahda warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay madax iyo howlwadeeno ka tirsan warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku wajahan sida loo sii horumarin karo xiriirka dawladda iyo warbaahinta, iyaga oo balan qaaday inay ka shaqeyn nayaan wacyigelinta bulshada si loo helo amni, dib  u dhis iyo horumar.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay caawa warbaahinta wuxuuna xusay in waxyaalihii ay soo jeediyeen warbaahinta in si deg deg ah uu ugu dubin doono golihiisa Wasiirada lana dhaqangelin doono.

“Wariyeyaasha Soomaaliyeed maalin kasta waa la beegsadaa, sababta loo beegsadona waxay tahay kooxaha argagixisadu ma doonayaan runta inaad sheegtaan, waxaana la idiin kaga baahan yahay inaad bulshada ka wacyigelisaan dhibaatada kooxahan iyo sidii loo cirib tiri lahaa” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online