Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo ka waramaya Burcadbadeed ah lagu soo wareejiyay Puntland.[Cod/Masawiro]

March 28, 2014 - Written by Editor

7Garoowe:-Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur ayaa waxaa uu saxaafadda uga waramay Maxaabiis gaaraya ilaa 9 qof oo burcadbadeed ah oo shalay lagu soo wareejiyey Puntland ka dib hishiis ay wada gaareen dowladda Seychelles iyo Puntland.

Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur ayaa sheegay in dhawaan Puntland lagu soo wareejin doono dhalinyaro kale oo burcadbadeednimo ku eedeysan oo ku xiran wadanka Seychelles iyagoo xabsigooda ku dhamaysan doona Puntland loona fidin doono adeegyo caafimaad iyo waxbarasho inta ay ku xiran yihiin Xabsiyadda Puntland.

Taliyaha ciidanka asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar oo la hadlay maxaabiista la keenay Garoowe ayaa waxaa uu u sheegay in si wanaagsan oo cadaalada ah loola dhaqmi doono ayna inta u dhiman xabsigooda ay ku dhamaysan doonaa Xabsiyadda Puntland.

Maalintii shalay ayaa Dowladda Seychelles ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu soo wareejisay Puntland ilaa sagaal Burcadbadeed ah oo in mudo ah ku xirnaa Xabsi ku yaal wadanka Seychelles iyagoo ku xukunaa Xabsiyo gaaraya 10 ilaa 20 sanno oo xarig ah.

Taliska ciidanka Asluubta Puntland ayaa isla shalay markii laga soo dejiyey maxaabiista garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa lagu wareejiyey maxaabiistaan iyadoo goobta uu ku sugnaa Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda UNODC.

no images were found

Hoos ka dhagayso waraysiga Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/1fl49gsg1m/taliyaha_asluubta.mp3] Halkaan ka dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online