Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Aaga Galgala oo la magacaabay

March 21, 2014 - Written by Editor

Siciid-DheereGaroowe:-Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere ayaa waxaa uu u magacaabay Taliyaha ciidanka daraawiishta ee Aaga Galgala Col. Maxamuud C/qaadir Xassan Cadde oo mar noqday Taliyaha  ciidanka daraawiishat ee Gobolka Mudug.

Wareegta ka soo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyaha cusub ee Aaga Galgala Col. Maxamuud C/qaadir Xassan lagu doortay  aqoontiisa dhinac ciidanka iyo howl karimadiisa shaqo.

Taliyihii hore ee ciidanka daraawiishta ee Aaga Galgala Col.Jaamac Siciid Afguduud oo in ka badan saddex sanno dagaal kula jira kooxda al-shabaab ee Buuuraha Golis ayaa ku dhintay 16.03.2014 weerar hubaysan oo ka dhacay duleedka Galgala.

Dowladda cusub ee Puntland ee madaxweynaha uu ka yahay Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa hay’addaha dowliga ah loo madaxbaneeyey in ay iyagu soo magacaabaan xilalka waan arrinta maanta sababtay in Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi uu soo magacaabay  Taliyaha cusub ee cidanka daraawiishta ee Aaga Galgala Col. Maxamuud C/qaadir Xassan oo markii hore laga soo magacaabi jiray Madaxtooyadda Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online