Ugaaskii beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow oo lagu dilay Kismaayo

March 24, 2014 - Written by Editor

Ugaas_CowrmaleKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in galabta lagu dilay gudaha magaalada Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow oo ah Ugaaska Beesha Cawramale waxaana dilka geystay koox bistoolado ku hubeysan waxaana Ugaaska lagu dilay xaafadda Calanleey.

Kooxda dilka u geystay Ugaaskii beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray Ciidamada Maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba,iyaga oo goobta ka bilaabay baaritaanno.

Ugaaska beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa waxaa uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo waxaana uu wax ka soo dhisay Maamulka KMG ah ee Juba ee uu Madaxweynaha u yahay Ahmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)

Dilka Ugaaska Beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow ayaa waxaan la ogeyn cid ilaa hada dishay balse waxaa looga shakisan yahay Ururka Al-Shabaab oo gaalnimo iyo dil ku xukumay odayaasha dhaqan ee soo dhisay Maamulka KMG ee Juba.

Warar hordhac ah oo aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay kooxdii dishay Ugaaska beesha Cawramale Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow.

Warka oo faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaaah

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online